shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mid ka mida Agaasimayaasha Magaalada Boston John Connolly oo lagala hadlayay Waxbarashada caruurta jaaliyadaha Soomaalida, Eretariyaanka iyo Itoobiyaanka Xarunta ACEDONE. 

 

 

(Boston USA,  May 21,  2011 Ceegaag Online)

John Connolly Boston City council At-Large

 

Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta hay’adda Ucarbinta Culuunta Dhaqaalaha Jaaliyada Bariga Afrika ee Goboladan New England  (African Community Economic Development of New England).

 

Xafladan ayaa waxaa lagu soo casuumay  mid ka mida Agaasimayaasha Magaalada Boston John Connolly isagoo lagala hadlayay Waxbarashada caruurta jaaliyadaha Soomaalida, Eretariyaanka iyo Itoobiyaanka. 

 

Connolly ayaa ugu horayn warabixin ka bixiyay shaqadiisa iyo sida ay howlihiisu uka xuquuqbadan yihiin isaga oo ku nuux nuux saday in uu ahmiyada koowaad siiyo waxbarashada caruurteena waasida uu hadalka u yidhi e.(Budgeting for the Classroom First )

 

Sidoo kale waxa uu ka hadlay in lagama maarmaan ay tahay doorka waalidiintu isaga oo si aada ugu dheeraaday inay laga maarmaan tahay in wax laga qabto saacadaha iskuulka lana kordhiyo waalidiintana laga dhaadhiciyo doorkooda si kasta oo dhaqan ama luqad u caqabadaynkarto horumarka ubadkooda. (Fostering Parental Involvement:)

 

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Iskuulada la casriyeeyo dhismahooda lana tayeeyo macluumaadkooda iayada oo la aas aasayo kuwo lasocda horumarka dunida ee macluumaadka dabeecada horumarka sayniska (Supporting Innovative Schools:)

 

Wuxuu sheegay ina aduun dhan halbilyan iyo 100 malyuun oo doolar ay ku baxdo waxbarashada ardayda magaalada boston oo kaliya sanadkii caruurtana 64% kaliya ay ka qalin jabiyaan dugsiyada sare. (Supporting a Whole Education:)

 

 

Gabogabadii ayaa waxaa lawaydiiyay su'aalo ku saabsan waxbarashada oo u badnaa mar hadii aduun intaa dhan waxbarashada magaalada ku baxdo sideebay suuro gal u noqonasaa in tobonkii arday afar iskuulka ka saaqidaan!!

 

Daawo Sawiradii Xaflada

ACEDONE

 

webmaster@ceegaag.com