shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxay Macaamiishu rabaan? (what customers want)

 

(London,  May 28,  2011 Ceegaag Online)

Addunyada maanta waxaa loo ordayaa in la helo macaamiil si macaamiil loo helana waa in la daraaseeyo sidii loo heli lahaa, marka lahelana waa in la ogaado dabeecadahooda iyo hab-dhaqankooda. Tartanka maanta ka dhaxeeya shirkaddaha dunida waxaa lagama maarmaan noqotay in si fiican loogu adeego macaamiisha. Dabeecadaha macaamiishu waxaa ay isu bedeleyaan si xawli ah waxaana saamayn weyn ku leh isbadelka aaladaha cusub ama cilmiga wax soo saarka (technology) ee caalamaka hadba kusoo kordhaaya. Hadaba waa maxay hab-dhaqanka ama dabeecadaa macaamiishu (customer behavior). Dabeecadda macaamiishu waa barashada ama daraasaynta shaqsi, urur ama kooxi sida ay wax u xushaan, u iibsadaan ama u isticmaalaan. Taas oo macnaheedu yahay sidee, goorma, sababtee ayay macaamiili u iibsataa badeeco ama adeeg.

Dhamaanteen waxaynu nahay dad wax gata ama iibsada waxaana aynu gadanaa waxyaalo kala duwan, sida cunno kala duwan iyo xirasho kala duwan, guryo kala duwan iyo gaadiid kala duwan. Hadaba hab-dhaqanka macaamiishu wuxuu ku qotamaa sida ay shaqsiyaadku go’aan uga gaari lahaayeen sidii ay ugu isticmaali lahaayeen wixii ay haystaan sida waqtiga, lacagta iyo awooda wax ay isticmaalaan oo faaiido uleh. Taas oo ay ka mid tahay goorma ayay dadku wax iibsadaan, sidee ayay wax u iibsadaan,side ayay u isticmaalaan, siday u qiimeeyaan iyo marka ay isticmaalaan siday u tuuraan. 

Suuq-geeyuhu (marketer) waa in uu fahmaa hab-dhaqanka ama dabeecadda macaamiisha ka hor inta aanuu diyaarin xeeladaha suuq-gaynta (marketing startegy) ee aanu samayn kala qayb-qaybinta macaamiisha (segmentation) iyo macaamiisha uu beegsanayo (target customer).

Habka ugu fiican ee wax loo xayaysiiyaa waa nooca afka ama hadalka la isku gaarsiiyo ee loo yaqaan (word of mouth), waana sida keliya ee xayaysiintaadu meel fog ku gaari karto. Tusaale ahaan haddii macaamiishu fikrad xun ka qaataan badeecadda aad iibinayso waxaan shaki ku jirin in muddo kooban la is gaarsiinayo warka kediban ay shirkaddu waayi karto macaamiil. Waa in macaamiisha loo la dhaqamaa sidii saaxiibo ama ehel oo kale.

Macnaha labada eray ee macaamiil (customer) iyo isticmaale (consumer) waa ay kala duwan yihiin inkastoo isu dhawyihiin. Customer waa qofka badeecada soo gata waxaana ay noqon karaan shirkadd, koox ama qof keliya. Consumer waa qofka u dambeeya ee badeecaddi isticmaalaya. Waa in aynu qaadanaa hadalka oranaaya wax walba ka horu mari macaamiisha. Waayo waa hantida saxda ah ee shirkaddi haysato.

Waxaan ognahay in maanta ay jiraan laamo badan oo ka mid ah shirkaddaha oo loo sameeyo keliya sidii macaamiil loo heli lahaa waxaana ka mid ah waaxda suuq-gaynta (marketing), waaxda iibgeynta (sales department) iwm. Dhaqaalaha ugu badani waxaa uu ku baxaa sidii macaamiil loo heli lahaa hadaba waxaa khasab ah marka macaamiishi timaado in la raali galiyo isla  markaana la ilaaliyo macaamiishi timi.

waxaa la yiraa iibka dabeecadda macaamiisha waxaa saamayn xoog ah ku yeesha arimahan soo socda:

dhaqanka (culture): waxaa ka mid ah in uu qofku waxyaalaha qaar si gaar ah u aamin san yahay, tusaale qofku waxaa saamayn weyn ku leh bulshada uu ku soo dhex koray.

Bulshada (social): waxaa kale oo saamayn ku yeelata halka uu qofkaasi kaga jiro bulshada.

Xaalada shaqsi (individual status): waxaa kale oo saamayn ku yeelata astaamaha uu qofkaasi leeyahay sida da’da, shaqada uu hayo iyo dhaqalaha uu haysto.

Fekerka nafsiga (psychological): waxaa kale oo saamyn ku leh sida waxaa qofka uu jecel yahay ama uu u hamuun qabo iyo dabeecaadkiisa bani’aadam nimo.

Adeega macaamiisha (Customer service):

Macnaha erayga adeega macaamiisha waxaa lagu qeexi karaa u adeegidda ama gacansiinta macaamiisha bilow ilaa dhamaad. Macaamiisha oo si fiican loogu adeegaa waa in ay macaamiishu soo noqnoqdaan, macaamiisha oo si fiican loo raali galiyaa waxay keenaysaa in ay shirkadda usoo jiidaan macaamiil kale oo dheeri ah. Si loo soo jiito macaamiisha waa in xiriir fiican lala sameeyaa macaamiisha.

Si macaamiisha loo soo jiito waa in lahelaa qodobadan:

·         Waa in la ilaaliyaa balamaha lala gelaayo macaamiisha (reliability) waa laf dhabarta macaamiisha.

·         Waa in la dhagaystaa lana qaataa talada macaamiisha.

·         Waa in shaqaalaha loo tababaraa sida loola dhaqmo macaamiisha.

·         Waa in aynu macaamisha ula dhaqanaa boqoro oo kale.

·         Waa in la bartaa baahida macaamiisha (customers demand).

·         Waa in la xaliyaa wixii cabasho ah ee ay macaamiishu kuu soo gudbyaan ama aad ka maqashaba.

·         Waa in laga jawaaba telefoonada ay macaamiishu soo dirayaan.

·         Waa in shaqaalaha loo taba baraa sidii ay u caawin lahaayeen macaamiisha.

Waa in aan fahamnaa macaamiishena:

U adeegida macaamiishu waxaa ay ka dhacdaa meesha ay iimanayaan macaamiishu ama meelaha ay lasoo xiriirayaan macaamiishu.

Faaiidada ay leedahay u adeegida macaamiishu waxaa ay keentaa in shirkaddu galiso dhaqaale badan sidii loo heli lahaa macaamiil cusub loona ilaalin lahaa kuwii hore. Haddii aan macaamiisha la ilaalin waxaa ay keenaysaa in ay macaamiishu adaan shirkaddaha kale ee kula tartamaaya. Macaamiishu waxaa ay noqon karaan kuwo ka shaqeeya gudaha (internal) sida shaqaalaha oo kale iyo kuwa dibada (external) sida dadka wax iibsanaya ama aad soo kiraysatay.

Shaqalaaha shirkaddu waa in loola dhaqmaa sifiican haddii la rabo in macaamiisha lola dhaqmo si fiican. Shaqada ama macaamiisha gudaha oo si fiican u shaqeeya ama u tababarani waxaa ay keentaa macaamiisha debeda ka imaanaysa oo ayana raali noqda. Daraasada suuq-gaynta (market research) waxaa badanaa loo isticmaalaa in la raadsho macaamiil kedibna la raali geliyo.

Lasoco wiiga dambe casharka 20aad insha ALLAAH

Mustafe Ibraahim

mustaf1970@hotmail.co.uk

 

webmaster@ceegaag.com