shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxamed Cabdi Faarax(19) iyo Saaxiibkii Ammiin Axmed Ismaaciil (18) oo lagu dilay Milton Keynes wadan UK

 

(London,  May 28,  2011 Ceegaag Online)

Laba wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay Milton Keynes oo qiyaastii 50 mayl u jirta caasimada Boqortooyada Ingiriiska ee London. Labadan barbaar ala ha u naxariistaa ayaa waxaa ooda rasaas kaga qaaday qolooyin gang ah oo iyaga lagu sheegay inay ahaayeen Bakistaan.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaaa aabe C/qaadir Faarax Xasan Faliidh iyo hooyo Faadumo Axmed Cabdi Hiirad oo uu uga geeriyooday Marxuun Maxamed Cabdi Faarax alle haw naxariistee oo gacan ka xaqdarani ku dishay magaalada Milton Keynes  illaahayna naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iiimaana alle hakasiiyo waalidiintiisa iyo walaaalihii iyo dhamaanba eheladiiisa aamiiin aaamiiin aamiin.

Sidoo kale waxaanu tacsi u diranaa reer Axmed Ismaaciil oo aanu lanahay idinkana samir iyo iimaan ilaahay ha idinka siiyo Marxuum Amin Axmed Ismaaciilna janadii ilaahay ha ka waraabiyo aamiiin aaamiiin aamiin.

Booliska ayaa hada gacanta ku haya baadhitaanka cidii ka danbaysay faldanbiyeedkaa waana tan xaaladu ee daawo vediowga

 

Maxamed Cabdi Faarax

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com