Maamulka Gobolka Banaadir ee dawlada Soomaaliya ayaa ka codsaday Hay'adaha QM u qaabilsan miino baarista ina ay gacan ka geestaan sidii walxaha qarxa ee ku duugan goobihii lagala wareegay kooxaha dawlad diidka ah looga saari lahaa.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka banaadir ee Dhinaca aminiga Warsame Max’ed Xasan ( Joodax) oo Shir jaraaid ku qabtay caasimada Dalka Soomaaliya Muqdisho  ayaa waxa uu sheegay in maamulkoodu ka dalbanayo Hay'adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan miino saarista in ay gacan ka siiyaan sidii loo soo saari lahaa waxyaalaha Qarxa ee ku aasan Fariisimadii dhawaan  ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen kooxaha jid iyo jiho diidka ah ee Alshabaab ee Degmooyinka Hodan iyo Hawl wadaag ee magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey ahayd markii dagaal qorshaysan oo ay qaadeen ciidanka Dawlada Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ay kula wareegeen fariisimo farabadan oo ay ku suganaayeen maleeshiyaadka Al Shabaab, Kooxdan oo mudooyinkan ugu danbeeyey marba marka ka danbeeysa ay sii wiiqmaso awoodu.
 
 
Najiib caydiid mahad