shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Labo Askari ayaa ku dhaawacmay bam gacmeed lala beegsaday guriga Gudoomiyaha Gobolka Sool.

 

(Laascaanod,  May 13,  2011 Ceegaag Online)

Weerar Qarax Bam gacmeed ah ayaa xalay lala beegsaday guriga Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Maamulka  Somaliland Cabdilaahi Jaamac Diiriye (isleged), gurigan ayaa magaalada kaga yaala dhinaca bari ee magaalada Laascaanood.

Qarxan oo dhacay goor habeenimo ah  lagana maqlayay dhawaqiisa guud ahaan magaalada Laascaanood ayaa waxaa Ceegaag Online u xaqiijiyey goob joogayaal ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay in qaraxu  ahaa bam Gacmeed ayna ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan ilaalada gudoomiyaha.

Xaalada guud ee Magaalada Laascaanod ayaa hada dagan, iyadoo dhamaadkii bishii hore ay ahayd markii  qarax kuwa meelaha fogfog  laga hago ah lala beegsaday gaadhiga gudoomiyaha Gobolka Sool,  xili uu saarnaa ku xigeenkiisu.

Si kastaba ha ahaatee waxaa  soo badanaya Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo Mas'uuliyiinta Maamulka Somaliland ee Gobolka Sool.

Alxusayni Zuhani

Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com