shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kulankii Qoreyaasha Soomaaliyeed ee ka socday Helsinki oo la soo gebagabeeyay.

 

Helsinki, Finland,  May 22,  2011 Ceegaag Online)

Bandhigga buugaagta taariikhda & suugaanta Soomaalida oo muddo saddex maalmood ka socday magaalada Helsinki ee dalka Finland oo la soo gebagabeeyay iyadoo kulankan carwo sanadeedka ee sanadkiiba mar lagu qabto dalkaasi.

Kulankan oo ay ka qeybgalyeen qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalalka Canada, Ingiriiska & qalinleyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland. Bandhiggan oo bilowday 19kii bishan May lana soo gebagabeeyay 21ka May, sanadka 2011.

1.       Max’ed Sh. Xassan Nuur; Toronto, Canada. Daabacaadda & soo saarista buugaagta.

2.       C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”; London, United Kingdom. Taariikhda & Suugaanta.

3.       Siciid Cali Shire; Leicester, UK. Ganacsiga, Bangiyada & Hoggaaminta.

4.       Amran Max’ed Axmed; London, UK. Taariikhda & Nolosha.

5.       C/qaadir Cali Boolaay. London, UK. Taariikhdii & halgankii isticmaardiidka S.Y.L.

Dhinaca kale waxaa munaasaddan goobjoog ka ahaa qoreyaasha Soomaalida eek u dhaqan dalka Finland ayna ka mid yihiin;-

1.       Axmed Max’ed Wehliye Axmed “Xijji”, Helsinki, Finland. Taariikhda afka Soomaaliga.

2.       Axmed Wehliye Coofle;- Helsinki, Finland, oo ka hadlay dhinaca Novel-liska.

3.       C/rashiid Cawad Diiriye;- Helsinki, Finland. Horrumarka dhinaca technology-yada

Dhinaca kale waxaa iyadna halkaasi hadallo aad u qiimo badan ka jeedisay Muddle Suzanne Lilius oo ah cilmibaare & mustaqbalka afka Soomaaliga ee dalalka Scandinavian-ka macallin ama barena ka ah ah jaamacadda magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
 

Waxaa gunaanadkii carwo buugeedka ee sanadkan lagu qabtay magaalada Helsinki ee dalka Finland hadallo qiimo leh oo isugu jira guubaabo & dardaaran ka soo jeediyay MD. C/raxmaan Max’ud Cali “Jiimi” oo ah sarkaal ka tirsan maktabadda Espoo Library ee magaalada Helsinki isla markaana ku dadaala keydinta & xafidaadda dhaqanka & taariikhda Soomaaliya.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com