shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Halkee mareysaa arintii ragii ajaaniibtii Malaayiinta Doollar lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

 

(Muqdisho,  May 27,  2011 Ceegaag Online)

Iyadoo 24-kii bishan garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay ilaa lix nin ajaaniib ah oo afar ka mid ah  ay wadeen Lacag gaadheysa 3-Milyan iyo bar doolarka Mareykanka ayaa raggaas waxaa wali gacanta ugu jiraan Dowladda KMG, kuwaasoo baaritaano ay ku socdaan.

Wararka kasoo baxaya baaritaankooda ayaa sheegeysa in Lacag hor leh oo ilaa Hal Malyan lagu sheegay laga sii helay mid ka mid ah Diyaaradii ay wateen oo wali taala Garoonka, iyadoo lacagahaas qeyb ka ahaayeen lacago loogu tala galay in lagu soo madax furto Markab laga leeyahay dalka Shiinaha iyo shaqaale saaran.

Raggan ayaa baaritaanada ku socda ay yihiin kuwo su'aalo lagu weydiinayo sababata ay diyaaradii ay lasocdeen kusoo cadho dhigatay iyagoon xiriir lasoo samayn Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ay kusoo wajahnaayeen.

 

Raggan Ajaaniibta oo afar ka mid ah ay yihiin Cadaan ayaa ujeedadoodii hore ay ahayd inay diyaarada ka dajiyaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, inkastoo intii hawada Soomaaliya ku jireen ay sii dalbadeen diyaarad yar oo u fududeysa inay gaarsiiyaan lacagaha madax furashada kooxaha burcad badeedka.

Howlaha daabulida lacagtan ayaa waxaa qandaraas ku qaatay Labo shirkadooda oo ah kuwa dilaaliinta fududeeya gaadhsiinta lacagaha loo bixiyo madax furashada la siiyo Burcad badeedka, Labada Shirkadood ay horay qeyb uga qaateen fududeynta lacago malaayiin doolar oo lagu bixiyay madax furasho.

Ilaa iyo hada Dowladda KMG wax war ah
kama soo bixin oo ku aadan baaritaanada ku socda raggan ajaaniibta ah iyo Malaayiinta Doolar ee lagu qabtay oo lagu hayo mid ka mid ah xarumaha sida aadka ah loo ilaaliyo ee ay fariisinka ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.
www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com