shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Jabuuti oo sheegtay inay Ciidamo u diyaarisay Soomaaliya.

 

(Jabuuti,  May 14,  2011 Ceegaag Online)

Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirayso Soomaaliya ka hor dhamaadka bisha June ee sanadkan si ay uga qeyb qaataan howl galka Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Magaalada Muqdisho, sidaas waxaa sheegay Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay Idaacadda VOA-da a in ciidamada loo dhamaystiray tababarkooda ayna haatan ku guda jiraan qalabayntooda.

“Horay ayaan ballan ugu qaadnay inaan Soomaaliya ciidamo u dirayno, tan iyo markaa waxaan wadnay diyaar garow iyo tababarka ciidamada haddana waa diyaar,”ayuu yiri Maxamed Cali Yuusuf wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowladda Jabuuti.

Wasiirka ayaa ku sheegay tirada askarta ay Soomaaliya usoo dirayaan inay gaarayso 2 batalyan, isagoo intaa ku daray in kulan ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhigiisa Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ay yeesheen kadib xafladii lagu dhaariyay Madaxweyne Geelle ay kawada hadleen arrimo ay kamid tahay in Jabuuti ay ka qeyb qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa dhowr jeer oo hore u shaacisay inay ciidamo u dirayso Soomaaliya balse kuma aysan dhaqaaqin go’aankaas.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com