shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dilal qorsheysan kii ugu horeeyay oo lagu bilaabay ganacsatada Soomaaliyeed eek u dhaqan Dalka South Afrika.

 

(Port Elizabeth,  May 31,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa sii kordhay oo waji cusubna lasoo baxay dilalka Qorsheysan iyo dhaca hantidda ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku ganacsato dalka South Africa ay kala kulmayaan dadka madowga ah ee u dhashay dalkaasi.

Xalay ayaa waxaa lagu dilay duleedka Magaalada Port-Elazipeth ee Gobolka Eastern Cape ee dalkaasi laba nin oo Soomaali ah oo mid ka mid ah dilkiisu ahaa mid qorsheysan sida ay sheegayaan mas,uuliyiinta.

Labada nin ee xalay lagu dilay magaalada Port-Elazipeth ee dalka South Africa ayaa kala ah Cali Cabdi Cumar iyo Muxsin Sheekh Cismaan, kuwaasi oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida, laakin dilka Cali Cabdi Cumar ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid qorsheysnaa.

Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliya ee Gobolka Eastern Cape C/raxmaan Yuusuf Axmed Raabi oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacada VOA ayaa sheegay in dilka Marxuum Cali Cabdi Cumar ay ka danbeeyaan ciidamo ka tirsan booliska oo loo heysto danbi dil ah ay horay ugu geysteen ganacsade kale.

ALLA ha u naxariistee Cali Cabdi Cumar ayaa waxa lagu waday inuu hor tago maxkamad si uu markhaati ugu noqdo dilka ganacsade Soomaali ah oo bishii June ee sanadki hore ay dileen ciidamo ka tirsan booliska dalkaasi.

"Dilkii koowaad wuxuu dhacay 8:00 fiidnimo, isagoo ka dhacay duleedka Port-Elizabeth waxaana lagu qaarijiyey Cali Cabdi Cumar, dilka labaad ayaa isna ka dhacay meel ilaa 11km u jirto magaalada Port-Elizabeth, xaafada lagu dilay waxaa degan dadka danyarta ah, waxaana lagu magacaabaa marxuumka la dilay Muxsin Sheekh Cismaan, waxaa lagu dilay xabad kadibna waxay boobeen hantidii Tukaanka." ayuu yiri Mr Raabi
Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliya ee Gobolkaasi, Mr Raabi ayaa sheegay in baryahanba ay ugaadhsi ku hayeen Cali Cabdi Cumar iyo wiil kale oo isna ka mid ah markhaatiyaasha laba ka tirsan booliska wax dilay kuwaasi oo wajiyada soo duubta xilliyada qaar si ay u dilaan.

"Booliska ayaa dilay Cismaan Nuur Maxamed wxiligii ay soceen ciyaarihii Aduunka, waxaan furnay kiis oo maanta dhici lahaa, marka waxaan u aaneyneyaa in ay dileen askarta, waxaa hada xiran laba askari, labana ma xirna marka waxaan aad uga shakisanahay in ay dileen labada aanan xidhneyn, dhawaana waxaa ka fakaday C/llaahi oo isna ah wiil kale oo isna ku markhaati furilahaa seef ayey ku dili laahayeen laakin booliska ayaa badbaadiyey" ayuu yiri Mr. Raabi.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com