shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalada ka socda Caasimada Muqdisho oo waji cusub galay

 

(Mudisho,  May 25,  2011 Ceegaag Online)

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacaya madaafiic aan loo meeldayin oo ay is waydaarsanayaan dawlada Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada Afrikaanka ahi iyo kooxo dawlad diid ah oo kasoo horjeeda dawlada Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii kaabiga loo gaadhay Suuqa way nee Bakaaraha oo noqday qalcad laga taakuleeyo dadka diidan dawlad nimada Soomaaliya, maanta ayaa waxaa weerarkaa dawlada ee shalay, kooxa ka soo hor jeedaa ku soo jawaabeen madaafiic lagu garaaacay xaafadaha Muqdisho siiba Waabari.

Madaafiicdan ayaa lagu garaacayay isla goob si loo laayo dadka isku dayaya inay caawiyaan dadka ku dhaawacma hoobiyayaasha hore. Arintan oo keenasa in laga fiigo cidii ku dhaawacanta madaafiicda ay dadka rayidka ah ku garaacayaan kooxaha kasoo horjeeda dawlada Soomaaliya.

Kooxda Alshabaab ayaa tabtan cusub ee ay ku weerarayaan shacabka reer Muqdisho ay sababtay kadib markii si isdaba jog ah loogu awood sheeganayo dagaalada ay kula jiraan dawlada Soomaaliya.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com