shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Galgala ee Gobolka Barri.

 

(Galgala,  May 11,  2011 Ceegaag Online)

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa uu hogaamiyo Sheekh Max’ed Saciid (Atam) ayaa maanta barqadii ka dhacay buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii maleeshiyadii Sheekh Atam ay dhawr jiho ka weerareen fariisimo deegaankaasi buuraleyda ah ay ku leeyihiin ciidamada Dawlad goboleedka Puntland, waxaana xiligaasi kadib halkaasi ka qarxay dagaal qaraar oo la isku adeegsaday hub cul culus islamarkaana dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. soo gaaray dhinacyadii dagaalamay inkastoo aan laheyn tirada rasmiga ah.

waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in inta badan gacan ku heynta deegaanka Galgala ay la wareegeen maleeshiyada  Sheekh Maxamed Saciid Atam. Dhaawacyo farabadan oo ku soo waxyeeloobay dagaalka ayaa waxaa la geeyay isbitaalka Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo dhinaca kalana gudaha magaaladaasi ay ka baxeen ciidamo farabadan oo la sheegay in ay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Galgala.

Majiro wali wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Dawlada Puntlad iyo dhinaca Sheekh Atam, iyadoo walina xiisado dagaal ay ka jiraan deegaanada buuraleyda ah ee Galgala.

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com