shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Caaqil maxamed Cadde Faarax oo sidiiran loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacayo isga oo ka soo guryo noqday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

(Gaalkacayo,  May 08,  2011 Ceegaag Online)

Caaqilka beesha Geele Abokor Xuseen Siciid (Hayaag)oo deegaan ahaan degan magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya ilaa jabkii Daraawiisheed ayaa booqasho uu ku yimid deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay dadwaynaha ee ku sugan magaalada Gaalkacayo siiba kuwa kasoo jeeda gobolada Sool Sanaag iyo Cayn.

Caaqilka oo soo dhaweentaa ka hadlay madasha shirka, 'Caaqil Maxamed Cadde Faarax wuxuu hadalkiisa ku bilaabay magaca alle wuxuuna mahad balaadhan u jeediyey illaah wuxuu kaloo mahad u jeediyey dhamaan umaha Soomaaliyeed iyo dhamaan jaaliyahada Dhulbahante gudaha iyo dibada gaar ahaan jaaliyada Dhulbahante ee ku dhaqan caasimada gobolka mudug ee Gaalkacyo oo iygu si wanaagsan u dar dar gelinaya howlaha danaha guud iyo gaar ahaaneed wuxuu ka loo halkaa ka qiray in uu taageerayo cid walba oo u taagan danaha dadka yaga wuxuuna ku daray in gamcaha la'is qabsado oo laga wada tashto danaha dhulkayaga aanan laga gudbin tii alle ilaahna waa ina garab galayaa insha allaah waadna mahadsantihiin dhamaantiin'.

Faarax Cabe

 

webmaster@ceegaag.com