shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Booliska Koonfur Afrika oo qabqabtay tuugo dhac u geystay dukaamo Soomaaliyeed.

 

(Johannesburg,  May 12,  2011 Ceegaag Online)

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa gacanta ku soo dhigay Tuugo la sheegay inay ka danbeeyeen boob dhawaan loo geystay dukaamo ay lahaayeen ganacsato soomaali ah oo ku yaalay gabolka Gauteng.

Dadkan oo tiradoodu gaadhayso 75 qof ayaa lagu soo eedeeyey inay ka danbeeyeen boob todobaadkii tegay loo geystay in kabadan 15 dukaan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed , waxayna dadkaas lasoo qabqabtay ku xidhan yihiin saldhig booliska magaalada Johannesburg.

Saraakiil u hadashay booliska ayaa sheegay in dadkan eedeysanayaasha ah lasoo taagi doono maxkamad khaas ah oo loogu talagalay dadka gala dambiyadan oo kale, waxaana ay saraakiishaasi boolisku ku nuux-nuuxsadeen in ay marsiin doonaan sharciga,maxkamadda la saarayo dadkan eedeeysanayaasha ah ayaa waxa ay ku taalaa magaalada johannesburg, waxaana maxkamadaasi la hirgeliyey sanadkii 2008, markii dalka Koonfur Afrika ay ka dhaceen rabashadihii jinsiyad nacaybka ahaa ee lagu boobay boqolaal dukaan oo ay lahaayeen dad ajaanib ah oo ay u badnaayeen ganacsato soomaaliyeed.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com