shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bandhig Buugeedkii Magalaada Turku-Find 27-28 May, 2011

 

(Turku, Finland,  May 28,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa magaalada Turku oo ah magaalada madaxda 2aad ee dalka Finland waxaa shaly ka furamay Bandhig Buugeedkii Soomalaiyeed ee beryahanba ka socday dalka Finlad oo Helsinki lagu qabtay sannadkiisii 7aad. Magaalada Turku oo ah caasimadda 2aad ee dalka Finland waxaa ku nool  qiyaastii 700-800 oo Soomaali ah. Waxaa ka mid ahaa dadweynihii Bandhigga ka soo qaybgalay dhawr qof oo ka mid ah kooxdii ugu horreeyey ee  soo degay magaalada Turku sannadkii 1990kii. Magaalada Turku waxaa sannadkan 2011 loo doortay caasimadda dhaqanka ee reer Yurub. Guud ahaan Magaalada Turku iyo gaar ahaan maktabadda waxaa ka socda Bandhigyo kala duwan oo  loo soo bandhigayo si isdaba joog ah. Koox marka ay masraxa iyo maktabadda ka baxdo waxaa daba taagan koox kale oo safka ku jirta.

-Bandhigyada Buugta. Sannadkan Bandhig buugeedkii ugu horreeyey wuxuu noqday Bandhig buugeedka Soomaalida oo ay soo qabanqaabisay shirkadda Scansom iyo jaalliyada Soomaaliyeed ee reer Finland oo shalay halkaaas xarriga looga jaray.

Kulamada iyo Bandhigyada goobta ka socda waxaa ugu hilin culus:

-Bandhigyada Farshaxanaka

-Bandhigyada sawirka gacanta

-Bandhigyada filimada

Bandhigga waxaa lagu qabtay maktabadda weyn ee quruxda badan ee magaalada Turku. Bandhigga waxaa wadajir u soo qabanqaabiyey Shirkadda Scansom Publishers iyo maktabadda weyn ee magaalada Turku. Goobta waxaa laugu soo bandhigay buug badan oo gaaraysay ilaa 200 oo muunadood oo kala duwan. Furitaankii waxaa dadweynihii carwada ka soo qaybgalay  bernaamajka ku soo dhaweysay maamulaha maktabada Marwo Sanna Hernelahti

Arrimihii ay xustay waxaa ka mid ahaa dhirrigein iyo bogaadin ay u jeedisay jaalliyadu inay matabadda ku xirmaan oo ay amaahdaan buugta Soomaaliyeed oo afkooda hooyo ku qoran oo iyaga loo iibiyey, kuwaasoo nasiib darro in badan aan maktabadda laga amaahan. Dadweynihii bandhigga ka soo qaybgalay waxay u ahayd maalin weyn oo u leh xusuus, farxad iyo raynrayn. Ugu dambayn waxaa mahad iyo bogaadin ballaaran mudan Shirkadda Scansom oo u tafoxaydatay hirgelinta fidinta buugta iyo qoraalka Soomaalida . Sidoo kale waxaa mahad ballaaran mudan gabadha Susanna Kolehmainen oo kaalin fiican ka qaadatay hirgelinta bernaamajka. Gunaanadkii hadalka waxaa lagu ballay in bernaamajkan laga dhigo munaasabda joogto ah oo  la qabto hal mar sannad kasta. 

                           Qoraaga: Maxamad Sh. Hassan

                                             Turku, May 28th, 2011

 

 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com