shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo kulan laqaatey Ergada joogtada ah ee Qaramada Midoobay.

 

(New York,  May 10,  2011 Ceegaag Online)

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa yimid magaalada New York ee Dalka Mareykanka si ay uga qeyb galaan kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu wado inuu qabsoomo maalinimada arbacada ah ee bisha May tahay 11,.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa magaalada New York shalay kula kulmay Ergada Joogtada ah ee Qaramada Midoobey ee dalalka Brazil, Germany, India , Lebanon  iyo Russia oo dhammaantood ka mid ah 15ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, sidoo kale Ra'iisal wasaare Farmaajo ayaa maanta la kulmidoona Ergada dalalka South Africa, China, USA, UK, France iyo Colombia,  dhamaan ujeedada kulamadan ayaa ah in dalalka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay xubnaha ka ah uu ka dhaadhiciyo xaalada dhabta ah ee ka jirta dalka Somalia iyo sida  looga bixi karo marxalladan kala guurka ah.

Ra'iisul Wasaaraha Somalia ayaa u mahadceliyey mas'uuliyiintii uu la kulmay, isaga oo sheegay  inuu aad ugu faraxsanyahay sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay mudnaanta u siinayso arrimaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Mohamed Abdilahi Farmaajo ayaa u sheegay ergada joogtada ah ee QM in Xukuumaddiisu ay guddi heer wasiir ah u saartay inay la kulmaan Baarlamaanka si looga wada hadlo khilaafka loona gaadho mowqif mideysan oo ay danta shacabka Soomaaliyeed ku jirto.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com