shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hambalyo & Taageero ku socota Wasiir Ku xigeenka Maaliyada ee Arimaha Budget-ka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Amare Cali Siciid.

 

(Jabuuti,  May 18,  2011 Ceegaag Online)

Anaga oo ah Jaaliyadda Jabuuti ee Gobolka Alberta ee wadanka Canada waxaanu halkan Amaan iyo Taageero uga soo direynaa Mudane Amare Cali Siciid oo dhawaan loo magacaabay Wasiir Ku xigeenka Maaliyada ee Arimada Budget-ka Jamhuuriyada Jabuuti, waxaan u rajayneynaa in ALLE u fududeeyo xilkaas qaran ee loo igmaday.

 

Sidoo kale Waxa aanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Omar Geelle uga mahadnaqeynaa uguna bishaareyneynaa inuu u qalmo Mudane Amare Cali Siciid waajibkiisana gudandoono xilka aad u ikmatay.

Waxaa iyana xusid  mudan in lagu hambalyeeyo Madaxwyne Ismaaciil Cumar Geelle, horumarka laxaadka leh ee Dalka Jabuuti ku tallaabsaday mudadii uu talada Dalka hayey, dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha  bulshada, waxbarashada, warshadaha, Dekedaha, waddooyinka, iyadoo  maanta uu dhaqaalaha adduunku baaxaa degayo,oo wadamadii ugu cududda roonaa ay u maara la’yihiin.

Waxaan Ilaahay kaaga baryayaa ,in masuuliyadaa ummadaadu kuu igmatay ,Rabbi kugu asturo, horumar iyo nolol wanaagsanna aad  gaadhsiiso  Shacabka Reer Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Jabuutiba, Aamiin Aamiin.

ALLAA MAHAD LEH.

Jaaliyadda Jabuuti ee Gobolka Alberta Canada.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com