shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

15-ka May bilowgii Gobonimo doonka Soomaaliya.

 

(Soomaaliya,  May 15,  2011 Ceegaag Online)

Dalka Soomaaliya oo mudo 51 sano ka hor iska dul qaaday hadamadii Gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxaa mudnaantaasi iska lahaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed oo hoggaanka u hayey Xisbigii Gobonimo doonka SYL (Somali Youth League), xisbigaasoo horay loo oran jiray SYC, dhalinyaradii dhidibada u taagay oo ku mideysnaa qiiro wadaninimo kana dhiidhinayey gumeystihii dalka ku soo duulay, hadafkoodu wuxuu ahaa sidii ay dalkooda iyo dadkooda u noqon lahaayeen kuwo xor ah.

69 sano ka hor geedkii ay beereen 13 dhalinyaro Soomaaliyeed mirahooda waxaa la gurtay 1-dii Luulyo 1960-kii markii heeryadii Gumeysiga iska dul qaadnay oo Gobolada Waqooyina ay la midooween walaalahooda Soomaaliyeed, taariikhdaasi dheer iyo halgankii dhalinyaradaasi Soomaaliyeed abuureen ilaa maantana harsaneyno, inkastoo nasiib daro ay tahay in 21 sano dagaal iyo dowlad laŽaan ku jirno, sumcad xumana ay ku tahay shacabka Soomaaliyeed ee 51 sano ka hor iska eryay Gumeystihii reer Galbeedka ku soo duulay dalkooda iyo dadkooda.

15.05.1943-kii Xisbigii SYC oo ah maalintii dhidibada loo taagay waxaa uu ku bilowday qaab urur dhalinyaro, maadaama Gumeystuhu xiligaasi ogoleyn dhaq dhaqaaq siyaasadeed, iyadoo dhibaato badan laga maray sidii uu ururkaasi u noqon lahaa mid Siyaasadeed, muddo kadib waxaa lagu guuleystay in uu u xuub siibto urur siyaasi ah oo la magac baxay SYL sanadku markii ahaa 1947-kii.dhalinyaradaasi oo ka dhiidhinayey hagar daamadda gumeysiga uu ku hayey shacabka Soomaaliyeed iyo ujeedadii Ingiriiska ee aheyd QEYBI OO XUKUN.

Waxay xil iska saareen sidii shacabka Soomaaliyeed xornimo u gaarsiin lahaayeen, iyagoo baaqoodu ahaa Qabiil Qaran ma noqdo, wuxuuna hadafkoodu uu ahaa Soomaali oo xor taasoo ay taageerayeen guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku noolaa guud ahaan dhulka Soomaaliyeed.

Markii uu SYC isku badalay SYL waxaa bilowday dadaal dheer oo dhalinyaradaasi ay ku doonayeen in ururku uu noqdo mid jira oo aqoonsi ka hela guud ahaan dunida, waxaana markiiba uu noqday urur jira kana qeybgala shirarka caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay, waxayna mar walba gudbin jireen fariinta shacabka Soomaaliyeed ee ah diidmada gumeysiga dalka heystay sidii la isaga dul qaadi lahaa.

Waxyaabihii ururka SYL uu si cad ugu horyimid isagoo shacabka taageero xoogan ka helayay waxaa ka mid ahaa GoŽaankii Dowladdii Ingiriiska 1946-kii uu ku soo rogay Soomaaliya ee aheyd in qof walba oo Qaan gaadh ah laga qaado canshuur, taasoo ka dhaqan gashay guud ahaan bariga Africa hase yeeshee, dibadbaxyo iyo rabshado lagaga hortegay waxay arintaasi keentay in xabsiga loo taxaabay shacab fara badan, hase ahaate ma aysan joojin dibadbaxyadooda, ilaa aaqirkii laga noqdo goŽaankaasi, lana soo daayo shacabkii macna darada loo xidh xidhay

Dhalinyaradaasi fikraddii waddaninmo oo ay keeneen waxaay noqotay mid lagu liibaanay xaqiijisayna midnimadii iyo wada jirkii ummadda Soomaaliyeed waxayna tiigsanayeen ama hadafkoodu ahaa.

1-In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madax banaanida Soomaali.

2- In shanta Soomaaliyeed la mideeyo,hal maamulna la isugu keeno.

3- In Af-Soomaaliga la qoro.

4- . In xoogga la saaro tacliinta

5- In la tirtiro qabyaaladda, quursiga iyo qodobo kale oo halkan lagu soo koobi karin.

Dhibaatooyin fara badan oo ay la kulmeen dhalinyaradii SYL ayaa iyana xusad mudan, waxayna dhibaatadaasi ay dhacday 11-kii Janaayo 1946-kii mar magaalada Muqdisho ay yimaadeen guddi ka socday Dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka iyo Faransiiska, ujeedadooduna aheyd sidii ay u qiimeyn lahaayeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, taasoo ka dhalatay rabshado ay abuureen Gumeystihii Talyaaniga oo ka war helay in Leegada ay abaabuleen bannaanbaxyo looga soo horjeedo Talyaaniga oo xiligaasi la damacsanaa in gacanta loo geliyo guud ahaan Soomaaliya.

11-01-1948-kii waxaa weerar ku soo qaaday xafiiskii SYL kooxo Soomaaliyeed oo Talyaaniga soo abaabulay, iyadoo weerarkaasi ay ka hortageen dhalinyaradii, halka qaar kale ay weerar ku qaadeen Talyaanigii soo abaabulay rabshadahaasi, waxaana maalintaasi ay Leegada dileen 54 Askarta Talyaaniga, halka dhinaca Soomaalida laga dilay Allaha u naxariistee Xaawo Taako 55 kalena waa laga dhaawacay.

Waxaa xusuus mudan Haweenkii laf dhabarka u ahaa Xisbigii SYL, kuwaasi oo dahabkooda ku bixin jiray safarada dibada iyo howlaha xafiiska uu qabanayo, iyadoo dhaqaalihii uu ku safray Cabdullaahi Ciise markii uu ka qeybgalayey shirkii Golaha Amaanka ay bixiyeen Haween Soomaaliyeed.

Waxaa cajiib ah in dhalinyradaas qaarkood aqoontii ay heysteen oo aheyd mid hooseyso marka la barbar dhigo tan maanta ay ku howlgalaan dhalinta cusub, sidaasoo ay tahayna ay ka mira dhaliyeen hadafkoodii ahaa in ay waddanka ka xoreeyaan gumeystaha ku soo duulay dalkooda.

Dadaal kasta iyo dhibaato walba oo ay la kulmaan waxaa la gaaray guushii 1-dii luulyo 1960-kii markii dal xor ah la arkay oo calankooda taagta, ayna sameystaan maamul la aqoonsan yahay, hase ahaatee waxaa uur ku taalo ah in maanta guushaasi ay soo hoyiyeen 13 dhalinyaro ah oo marxaladahaasi soo maray in si fudud gacmaheena ugu dumino, iyadoo calool xumo ay ku reebeyso muwaadin walbo oo Soomaaliyeed.

Waxaase Taariikhda ay xusi doonta sida aan maanta u xuseyno Halyeeyadii guusha keenay, kuwa maanta hortaagan maslaxada iyo helitaanka maamul dowladnimo, kuwaasi oo Damiirkii Wadaninimo ka guuray, una taagan kala qeybinta iyo burburinta dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaanse Alle ka baryaynaa in Soomaali isu keeno dantoodana garato.

Gabagabadii qormadan Xuska 15-ka May waxaan amaan iyo duco aan u soo jeedinaynaa Halyeeyadii Soomaaliyeed ee majaraha u hayey halgankii Gobonimo-doonka kuwaasi oo magacyadooda ahaayeen.

1. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaake
2. Cabdulqaadir Sheekh Saqaawadiin
3. Maxamad Cismaan Baarbe.
4. Cismaan Geedi Raage
5. Dheere Xaaji Dheere
6. Maxamad Cali Nuur
7. Daahir Xaaji Cismaan Sharmaake (Dhagaweyne)
8. Xaaji Maxamad Xuseen Xaamud
9. Khaliif Huudow Macallin
10.Maxamad Faarax Hilowle
11. Sayidiin Xirsi Nuur
12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
13.Cali Xasan Maxamad  (Cali Barduure)

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com