shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad heer sare ah oo lagu taageerayo ansixinta Degmada Tulli-Guuleed oo ka dhacdey Tulli-Guuleed ee Gobolka Jig-Jiga.

 

(Tulli-Guuleed,  April 01,  2011 Ceegaag Online)

Xaflad aad iyo add u balaadhan oo lagu dabaaldagayay laguna taageeraayay ansixinta degmada Tulli-guuleed ee gobolka Jijiga ayaa bishan March 20dii kadhacday dagmadaas. Dagmadan Tulli-guuleed oo qiyaastii 20 KM ah ujirta magaalada caasimada deegaanka somaalida Ethiopia ee Jijiga ayaa kamida 15kii degmo ee dhawaan dowlada deegaanka soomaalidu ansixisay. Dadweyne aad utiro badan, masullyiin sar sare, odayaal dhaqmeedyo iyo waliba ganacsato ayaa ka soo qabgalay xafladan oo si heersara ah loosoo agaasimay.

Masuulyiintii kasoo qabgashay xafladan ayaa waxaa horkacayay wasiirka Ganacsiga ee dawlada federaaalka Itoobiya mudane C/raxmaan sheikh Maxamed (Guray) ahna xubin gudiga fulinta ee xisbiga islamarkaana wakiil uga ahaa madaxwaynaha deegaagnka soomaalida Ethiopia xafladan, Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Xafiiska Dakhliga mudane Axmed-deeq Maxamed Cali (Axmed Qabyo), wasiirka maaliyada mudane Cumar Xaaji Ibrahim, Afhayeenka baarlamaanka mudane Maxamed Rashiid Isaaq, komishineerka guud ee Booliska DDS, colonel Yuusuf Jalaale, Madaxwaynaha jaamacada mudane C/naasir Axmed,iyo waliba kuxigeenkiisa mudane Suldaan Muxiyadiin Odawaa. Masuulyiinta ka soo qaybgashay xaflada ayaa kasoo jeediayay qudbado aad iyo aad u xamaasadaysan iyogoo si qoto dheer uga waramay muhiimada ay dagmada Tulli-guuleed u leedahay dadka kudhaqan gobolka Jigjiga iyo guud ahaa soomaalida dagta killilka 5aad ee Ethiopia.

Waxaa sidoo kale xafladan kasooqaybgalay fanaaniinta deegaanka ee Star band oo ay ka dhex muuqato fanaanda weyn ee Saynab Laba-dhagax. Fanaaniinta ayaa heeso wadaniya, ruwaayad iyo ciyaar dhaqameed ku madadaaliyay daweyniihii faraha badnaa ee isugu soo baxay degmada Tulli-guuleed ku waas oo laga dheehan karayay wajiyadooda farxad aan la qiyaasi karin

Degamadan cusub ee Tulli-guuleed waxay ku taalaa dhul xaasaasiya marka la eego geography ahaa meesha ay dhacdo iyadoo lawada ogsoon yahay degmadan iyo tuulooyinka hoosyimaada in damac aad u qoto dheer kaqabeen dadka Oromoda iyagoo ku taamayay in mar uun ay la wareegi doonaan sidii ay ula wareegeen degmada iyana istratiga ah ee Jinasine oo masaafo aad u dhow u jirta Tulli-guuleed. Intaa waxaa u siidheer degmada Tulli-guuleed ayaa ah dhulbeereed ay ka soo baxaan zaracyo kala duwan sida Heedda,Qamadiga,Galayda,Hadhuudhka iyadoo dagmadani wax soosaarka beeraha ee gobolka ay kaalin weyn  kaqaadato.

Mar uu kahadlayay C/raxmaan Qase oo ahaa madaxii xafiiska dhakhliga ee maamulkii madaxwayne Cabdulaahi Xassan Lugbuur ayaa sheegay in dagmada Tulli-guuleed ay taariikh fac weyn ku leedahay dalka iyo guud ahaan caalamka isagoo carabka kudhuftay in degmada ay deeq raashina oo xukuumada Ethiopia u fidasay wadamo ay ka mid tahay Japan looga qaaday galay iyo qamadi degmada Tulli-guuleed.

Ugu danbayntii, beesha degta degmadan cusub ee Tulli-guuleed oo ah beesha Gari Koombe ayaa la saadaalinayaa in ay sii laba jibaaraan doorkii wax ku oolka ahaa ee kaga jireen siyaasda iyo dhaqaalaha deegaanka soomaalida iyo heer federal iyadoo dagmadan ay noqonayso degmadii ugu horaysay ee beesha Gari yeelato.

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

                                                                              

webmaster@ceegaag.com