Waftigani ayaa waxaa meel 50 km dhanka koonfureed ka xigta Magaalada Buuhoodle kaga hortegey, Isimo, cuqaal   ka socdey gobolka Cayn.  Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo waftigan hogaaminayey ayaa markii uu magaalda soo gaadhey kadib waxaa uu shir jaraa'id ku qabtay Abdi-Gurey Plaza Hotel.
 
Waxaana uu ka warbixiyey ujeedada socdaalkooda , isagoo tilmaamay inay u socdeen booqasho iyo sidoo kale inay dadka la wadaagaan dhibaatada haysata xiligan ee isugu jirta colaada iyo abaarta.
Suldaanka ayaa Magaalada siweyn logu soo dhoweeyey  waxana lagaga hortagay  meel ku dhow deegaanka bursaalax ee gobolka mudug.

 

suldaanku wuxuu  tilmaamay in socdaalkoodu ku salaysan yahay arin dhaqan balse uusan marna ku lug lahayn arimo la xidhiidha siyaasad. ugu danbayn suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa ugu baaqay bulshada gobolka cayn inay ka shaqeeyaan nabada Islamarkaana aysan iyagu cid ku xadgudbin
waxaa suldaanka shirkan jaraaid ku wehelinayay garaad saleebaan buraale aadan.


Garaad Saleebaan ayaa sheegay in uu waftigan kulan la qaadan doono  waxgaradka gobolka cayn.

waxaana socdaalka waftigani kusoo aadayaa xili ay gobolka cayn ka taagan yihiin colaado, iyo abaaro aad udaran.

 
 
Ceegaag.com
Alxusayni Zuhani
Buuhoodle