shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Tito Jackson oo u tartamaya inuu masuul ka noqdo Golaha Deegaanka Boston aaga Todobaad oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Boston.

 

(Boston,  March 13,  2011 Ceegaag Online) 

Tito Jackson waxaa kusoo casuumay Deeqo Jibriil inuu la hadlo jaaliyada Soomaalida isaga oo qiray in codka Soomaalidu lagama maarmaan u yahay haatan hadba cidii doonasa inay kursi siyaasadeed ka qabato xafada Roxbury.

Tito Jackson waa nin deganaa xaafada Dorchester mudo aad u dheer, waxa uu ahaa xoghayaha xaga siyaasada ee tartankii doorashooyinka gudoomiyaha Gobalkan Massachusetts Deval Patrick.

Markiisii hore waxa uu ahaa xoghayaha xaga macluumaadka casriga ee gudiga horumarinta iyo guryanta shacabka ee gobolkan Massachusetts.

Waxyaabaha uu u balan qaaday inuu wax ka qabto waxaa kamida Shaqo Abuurida, Tayanta Dhaqaalaha, Waxbarashada, iyo guryanta danyarta.

Ugu danbayn waxaa lagu boorinayaa dadka degan Xaafadaha Roxbury iyo Dorchester inay talaadadan oo bishu ntahay March 15, 2011 u soo baxaan inay codkooda siiyaan hadba shaqsigii ay door bidayaan, balse ay tahay muhiimada koowaad in lasoo baxo lana codeeyo si hadhoow mustaqbalka naloogu tashado. Hadana naloo fududeeyo adeegyada ay Jaaliyadu u oo man tahay.

Jack Tuner  oo ahaa ninka jagadan hayay oo lagu helay faldanbiyeed laaluush qaadasho ah iyo shax-khariideedka xaafadaha la doonayo in laga codeeyo.

Eng: H.Fiin

                                                                                

webmaster@ceegaag.com