shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Tito Jackson oo loo doortay Golaha Deegaanka Boston oo maanta loo dhaariyay Jagadaa.

(Boston,  March 27,  2011 Ceegaag Online)

Daawo

 

Xaflad aad iyo aad u balaadhan oo loogu dabaaldagayay laguna dhaarinayay Tito Jackson oo loodoortay City Councillorka ee District 7 ayaa maanta ka dhacday hoolka Hibernian Hall ee kuyaala 184 Dudley Street ee xafada Roxbury ee magaalada Boston.

Xafladan ooy kasoo qayb galeen dadweyne aad u fara badan iyo madaxsare oo ka tirsan City Councillor magaadala Boston ayaa waxa furay duqa magaalada Boston xukumayay in kabada 20 sanadood waa Thomas Menino.  Tito oo hadaldheer jeediyay dharintiisa ka dib ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday inuu siweyn wax uga badali doono nolosha iyo dhaqaalaha dadka dagan district 7 ama degmada 7 iyo guud ahaan magaalada Boston. hadaba Tito Jakcson waa nin caynkeeya? Tito H. Jakcson waxa uu ku dhashay kuna barbaaray xaafada Roxbury ee magaalada Boston.

Tito Jackson oo laba bilood jira waxaa soo korsaday Herb iyo Rosa Jackson oo ah waalidiin wax wey ka soo qabtay xaafada Roxbury. Dhalinyaranimadiisii, Tito wuxuu door firfircoon kasooqaatay horumarinta iyo u adeegida bulshada ku dhaqan Boston isagoo noqday madaxweynaha NAACP Youth Council in Boston. Tito waxa uu ka qalinjabiayay jaamacada New Hampshire isagoo ka ahaa Student Body President.

 Markuu dhamaystay jaamacada, Tito waxa uu in kabadan 10 sano ka dhex jiray ama ka soo shaqeeyay xaga caafimaadka, technology iyo dawlada isagoo ahaa sales and marketing professinal. Sandakii 2007, Tito waxa uu ka soo shaqeeyay Industrial Director for Information Technology xafiiskan oo u qaabilsan Governerka gobolkan Massachusetts ee looyaqaano Executive Office of Housing and Economic Development. Tito waxuu qaybweyn ka qaatey doorashadii gudoomiyaha gobolkan ee Deval Patrick ee 2010. Ugudanbeyntii Tito Jakcson waxa loo doortay City Councillorka District 7 doorashadaas oo uu siweyn ugu guulaystay bishan March 15dii. 

Daawo Sawiradii Xaflada

C/risaaq Fiin

Boston, USA
                                                                               

webmaster@ceegaag.com