shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliyihii nabadsugida gobolka Sool ee maamulka Somaliland oo ladilay  iyo ku xigeenkiisii oo la dhaawacay.

 

(Laascaanood,  March 07,  2011 Ceegaag Online) 

Fiidnimadii xalayto ayaa waxaa badhtamaheeda magaalada Laascaanood toogasho rasaaseed lagu diley Taliyihii ciidanka nabadsugida ee gobolka Sool Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Maxamed Xirsi  “Asad” , marxuumka ayaa waxaa Bastoolad ku dilay si ula kac ah rag hubaysan oo ilaahada aan gacanta lagu soo dhigin. Rasaas xoogan ayaa goobta ka dhacday taasoo dhaawacday ku xigeenkiisa Carab Qawdhan Warsame oo dhaawac halis ahi kasoo gaadhay tacshiiradaa ka dhacasay qoryaha fudud.

Waxaana markii dambe soo gaadhay goobta ciidamo tira badan oo ka tirsan Booliiska magaalada Laascaanood, iyada oo aan wali gacanta lagu soo dhigin ragii ka danbeeyay faldanbiyeedkan. Ma aha markii ugu horeesay ee uu dilka noocan oo kale ah ee qorsheesan ka dhacay Laascaanood, waxaa horay loo khaarajiyay masuuliyiin ku jiray gudashada waajibaadkooda shaqo.

Dhinaca kale magaalada Laascaanood ayaa lagu soo rogay bandow iyada oo la xadiday isusocodka Gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee gobolka. Waxaa iyana Dagaal ka dhacay Tuulada Ganbadha halkaa oo ay isku farasaareen ciidamo dacad u ah Puntland iyo kuwa Maamulka Somaliland.

www.ceegaag.com

 

 

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com