shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir muhim ah oo dhex maray Hayada Amniga FBI iyo Jaaliyada Soomaalida Boston.

 

(Boston,  March 10,  2011 Ceegaag Online) 

Richard DesLauriers, Madaxa xafiiska  Haayada FBI da ee Boston,  Sawirka waxaa qaaday (Dina Rudick/Globe Staff)

 

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen  Hagayaasha hawlaha shacabka Soomaalida ee u dhaqan Boston iyo Madaxda cusub ee la wareegtay xafiiska koowaad ee Hayada amaanka gudaha ee FBI  da oo ka masuul ah Gobolada Massachusetts, Rhode Island, New Hampshire, iyo Maine ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay sidii loo abuurilahaa isfahan iyo wada shaqayn dhex marta FBI da iyo jaaliyada Soomaalida reer Boston.

Madaxda Haayada FBI da oo uu ugu horeeyay Richard DesLauriers oo hada loo soo magacaabay inuu madax ka noqdo xafiiska Boston ayaa ku nuux nuuxsaday inuu doonayo inuu si toos ah ula shaqeeyo Soomaalida isaga oo si qayaxan u sheegay inuusan ogolaan doonin in dhalinyarada Soomaalida ee reer Boston ku biiraan kooxaha Alshabaab ee ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.

Richard DesLauriers oo ah isagu nin Bostonian ah ayaa shaagay sidoo kale inuusan ogolaan doonin in dadka cunsiriyiinta ahi  bartilmaameestaan Jaaliyada Soomaalida isaga oo intaa raaciyay waxaan nahay adeegayaal idiin shaqeenaya sugayana nabadgalyadiina gaar ahaan jaaliyadiinan iyo guud ahaan muwaadiniinta kale ee ku dhaqan wadankan Maraykanka.

Dhica jaaliyada Soomaalida ayaa iyaguna balanqaaday inay dib isugu noqondoonaan ayna samaysan doonaan qorshe ay ku ilaashadaan ubadkooda kagana qaybqaataan ka hor tagida wax kasta oo ku keenaya amaandaro iyo Argaxisonimo shacabkooda maraykanka ah ee ay ku dhex nool yihiin.

Kulankan Fool ka Foolka ah ee Haayada Amniga Guduhu layeelatay Jaaliyada Soomaalida Boston ayaa lafilayaa inuu bilow wanaagsan u noqdo wada shaqayn rasmi ah oo dhex marta Jaaliyada iyo Ciidamada Amaanka.

Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan wadankan Maraykanka ayaa waxaa soo food saartay ka shaki looga shakisan yahay inay yihiin amaba ogyiihiin Argagixiso(al-shabaab) Dhuljiif ah oo ku dhuumaalaysanasa dhexdooda. Arintaa oo ah mid xaqiiqda ka fog.

Eng.H Fiin

                                                                                

webmaster@ceegaag.com