shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Cumar Faaruuq oo ku geeriyoodey Magaalada Jiddah ee Dalka Sacuudiga.

 

(Jiddah Saudi Arabia,  March 08,  2011 Ceegaag Online) 

ALLE ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jiddah ee dalka sacuudiga ku geeriyoodey Sheekh Cumar Faaruuq oo ahaa sheekh si weyn looga yaqaanay Dunida Islam-ka oo dhan gaar ahaan dhulka ay Soomaalidu dagto.

Sheekha ayaa ku geeriyoodey gurigiisa sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah qaraabadiisa oo sheegay in sheekhu uusan xanuunsaneyn balse  xaqu u yimid, Sheekha ayaa isla galabta lagu aasidoonaa Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, Sheekh Cumar Faaruuq ayaa da’diisu ahayd 60 sanno, wuxuuna ifka uga tagay saddex xaas iyo 15-caruur ah oo isugu jira 9 wiil iyo 6 hablood.

Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu ku dhashay magaalada Carmoole ee deegaanka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Sheekh Cumar Faaruuq waxa uu ahaa mufti ay si wayn bulshada Soomaaliyeed u qadariyaan, sheekha ayaa Soomaalida ku nool dalalka Yurub iyo waqooyiga Mareykanka ku baraarujin jiray diinta Islaamka, wuxuuna duubay Cajalado farabadan oo tafsiirka Qur’aanka Kariimka iyo siirooyinkii Nabbigeena NNKH, iyadoo taasi ay ka mid noqon doonto waxyaabaha lagu xusuusan doono.

Dhamaan Maamulka iyo shaqaalaha Ceegaag.com ayaa tacsi u diraya dhammaan Eheladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed  uu maanta ka geeriyooday  Marxuum Sheekh Cumar Faaruuq Waxaan Illaahay uga baryeynaa in Marxuumka Janadii Fawdasa ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagayna  samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

www.ceegaag.com

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com