shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujiyay Col iyo Abaar isu biirsaday reer Soomaaliya

 

(Soomaaliya,  March 02,  2011 Ceegaag Online) 

Aqoonyahano ku xeel dheer xuquuqul insaanka ayaa ugu yeedhay Qaramada Midoobay inay talaabo degdeg ah ka qaadaan xaalada adage e lasoo daristay dadka ku nool geeska Afrika siiba koonfurta Soomaaliya.

Shamsul Bari ayaa sheegay in khatar aada loogu jiro Soomaaliya oo markeedii horeba ay ka jirtay cunto yari in hadana ay ugu sii biirtay biyo la’aan arintan oo keeni karta in caafimaadkuna meesha kaboxo waasida uu hadalka u dhigay e.

Waxaan ugu yeedhanaa dadyowga dunida in hadii ay Soomaaliya wax la gaadhayaan in ay hada lasoo gaadhaan wixii kaalmo ah ee ay ugu talo galeen, dhinaca kale dadka Soomaalida ah eek u dhaqan dibada ayaa lagu dhiiro galinayaa inay u qumaan caawinta dadkooda ku hadhay dalkii Hooyo.

Dadka Soomaalida ah eek u dhaqan Soomaaliya ayaa waxaa isu biirsaday Dagaalo ahli ah oo aan dhamaad lahayn iyo Colaad aan dhamad lahayn tasoo hada keentay xaalad hadii aan laga soo gaadhin aad khatar u ah.

Ugu yaraan sadex meelood oo meel ayaa u baahan cawimaad degdeg ah dadka soomaalida ee hada ku sugan wadanka Soomaaliya.

     Colaad            &            Abaar

www.ceegaag.com  

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com