shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ordyahan Maxamed Faarax oo ku guulaystay orodka Badh Maaratoonka ee magaalada New York.

 

(New York,  March 20,  2011 Ceegaag Online)

Ordyahan Maxamed Faarax oo ku guulaystay orodka Badh Maaratoonka ee magaalada New York. Maxamed ayaa sheegay inuu aad u daalay markii lamarayay Maylka 12 tobnaad balse uu xasuusatay inuu Gebremariam oo itoobiyaan ahi horay si wanaagsan ugu guulaystay taasina ay ku dhiiro galisay inuu isna ku soda guusha markaa usoo carfasay.

Ninka isagu difaacayay bilada dahabka ah ee sanadkii hore  ku guulaystay Peter Kamais ayaa isaga oo dacayda laalaadinaya garoonka isaga hulaylay kadib markii si awoodlah tageerayaasha garoonku ugu sabciyeen Maxamed Faarax.

Guushan uu Maxamed soo hooyay ayaa waxaa ka horaysay inuu wadanka Ingiriiska oo uu dhalasho ka haysto uu tartan ugu soo guulaystay wiigii hore ka dib markii si dirqi ah looga guulaystay tartankii Boston ee bishii Janaayo.

www.ceegaag.com

                                                                            

webmaster@ceegaag.com