shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Munaasabad balaadhan oo loo sameeyay Ardey dhameeyay dugsiga sare ee Magaalada Hadaaftimo

(Hadaaftimo,  March 26,  2011 Ceegaag Online)

Munaasabadani oo aheyd mid aad u balaadhan ayna ka soo qeeb galeen qaybaha kala duwan  ee bulshada  ku dhaqan magaalada Hadaaftimo ayaa loogu hanbalyeenayaynay arday ka qalin-jebiyey oo dhameesatay dugsiga sare.

Waxaa xafladaasi ka soo qayb galay maamulka Dugsiga iyo macalimiinta wax ka dhiga dugsigaasi iyo waalidiin aad u badan iyo weliba dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida ururada bulshada oo kala gedisan .

Ardaydan ayaa waxa ay noqonayaan kuwii ugu horeeyey ee dhamaysta Dugsiga Sare ee Magaalada Hadaaftimo tan iyo intii la bilaabay, Waxaana arintaan aad ay u farxad gelisey shacabka ku nool magaalada oo ay u rumowdey riyadoodii ahayd in ay arkaan ardaydii magalada u dhalatay oo meel kale aan dugsi sare u aadayn.

Dadkii kasoo qayb galay munaasabadaasi ayaa waxaa dhamaantood ka muqatay qiiro aad u weyn oo ay u hayeen ardaydii halkaasi ku qalin-jebinaayey ee dhameestay kadib dadaal dheer waxbarashadoodii  dugsiga sare ,  waxaana halkaasi hadalo ka jeday qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Hadaaftimo oo uu ka mid ahaa Mamulaha Dugsiga Xuseen Cabdi Wadaad iyo CabdiXakiim Wahaabi iyo weliba Xaaji warsame oo ah Qaadiga magaalada Hadaaftimo,  Dadkii ka soo qayb galay munaasabadaasi ayaa  dhamaantood hanbalyo iyo bugaadinba u diray ardayda isla mar -ahaantaana ku guubaabiyay iney horay u sii wataan wax barashooda oo aysan marnaba ka harin ilaa iyo inta ay ka gaarayaan heerkii hadafkooda ugu danbeeyo ee wax barasho

Munaasabada ayaa ugu danbeeyntii ardayda lagu gudoonsiiyay shahaadooyin sharaf ay u soo diyaariyeen Maamulka Dugsigu  si loogu muujiyo taageerada dadkooda.

Xigasho: Hadaaftimo 

                                                                                

webmaster@ceegaag.com