shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo Maanta Xilka ka qaaday Taliyayaasha Ciidamada Amniga

 

(Muqdusho,  March 07,  2011 Ceegaag Online) 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Ahmed ayaa wareegto uu Xilka ugu qaadayo dhamaan Taliyayaasha Ciidamada  Amniga ka soo saaray xafiiskiisa. 

Wareegtadan ayaa timid kadib markii ay keeneen soo jeedin xilkaqaadis Wasiirada ay arintaani quseyso  oo uu horkacayay Raisul Wasaare Maxamed cabdulahi Farmaajo.

Madaxwenaha oo tixgilelinaya soojeedinta wasiirada islamarkaasna qiimeynaya xaalada iyo daruufaha nabadgelyo ee uu dalka marayo loona baahanyahay in la qaato talaabooyin lagu habaynayu laguna dar-dar galinayo haydaha nabadgalyada qaranka si loo xaqiijiyo is bedel wax ku ool ah, ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay Maarso 07 2011 Madaxweynuhu ka qaaday Xilalkii Taliyanimo Saaraakisha hoos ku xusan.

Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/GUUTO Axmed Jimcaale Geedi.

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaliyeed S/GUUTO  Maxamed Sheekh Xassan Xaamud.

Taliyaha Ciidamada    Asluubta Soomaaliyeed S/GUUTO Cabdullahi Macallin Cali.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed S/GUUTO Cali Maxamed Xassan Looyaan. 

 

 Malik Abdalla
 

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia

mabdalla@presidency.gov.so 

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com