shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Sharif Sheik Ahmed oo maanta kormeedhay saldhigyo ciidan, Saldhiga Amisom iyo cisbitaalka Martiini.

 

(Muqdisho,  March 15,  2011 Ceegaag Online)

Madaxweynaha DKMG Somalia Shariif Sh Axmed oo ay wehliyaan  wasiiro ka tirsan Xukuumada Ra’iisal Wasaare Farmaajo ayaa manta kormeer ku tagay Saldhiga Ciidamada Daraawishta ee Sarandi iskuul polisia, cisbitaalka martiini iyo saldhigyada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha ayaa salaan kaga qaatay ciidamada Federaalka Somalia ee ku sugnaa saldhigyadaas,  halkaas loogu soo bandhigay gaarigii bishii hore naftii hure iskugu qarxiyay xerada ciidanka dowladda KMG Somalia.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray Isbitaalka Maartini qeybihiisa kala duwan halkaas oo ay warbixin ku siisay Agaasimaha Isbitaalkaas Drs. Caasho Cumar Axmed. Kadibna booqdey bukaan jiifka istibaalka una balan qaaday in ay Dowlada Federaalka Soomaaliyeed gargaar ka geysan doonto daaweynta shacabka soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay dagaalada iyo dhibaatooyinka dalka ka jira.

Dhinaca kale Madaxweyne shariif ayaa sidoo kale booqday Saldhiga Ciidamada AMISOM isagoo salaan kaga qaatay Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

www.ceegaag.com

                                                                                

webmaster@ceegaag.com