shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Shariif  oo shaaciyay inuu xukumka sii hayndoono ilaa madaxwayne badela laga soo dooranayo.

(Muqdisho,  March 24,  2011 Ceegaag Online)

War saxaafadda loogu tala galay oo maanta ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ayaa looga hadlay qoddobo dhawr ah oo ku saabsan shuruudaha, sharraxaadda, doorashada, muddada xilka iyo arrimo kale ee la xiriira Madaxweeynaha.

Hadalkan saxaafadeed ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu tixraacay war saxaafadeed uu Sabtidii soo saaray Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.

Waxaana lagu sheegay in Madaxweynuhu u caddaatay qoddobada soo socda kadib markii uu dhagaystay talada sharciyaqaanno iyo khubaro qaanuun ee ku xeel dheer arrimahaas.

1- Sida ku cad qodobka 43aad ee Muddada xilka Madaxweeynaha: " --Madaxweynuhu wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin - geeri, shaqo ka tegid, ama joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga - ilaa inta qof kale ee loo soo doortay Madaxweeynanimada uu xilka kala wareegaayo".

2- Marka laga reebo sababaha faqradda sare ku qoran, Doorasho Madaxweeyne waxay qabsoomi kartaa oo keliya marka ay dhammaato mudada Baarlamaanka, mid cusubna uu shaqadiisa billaabo oo marka hore doorta shir guddoonkiisa.

3- Guddoonka Baarlamaanka waxaa la dooran karaa muddada oo aan dhamaanin haddii: Shirgudoonku si wada jir ah isu casilo ama Baarlamaanku kalsoonidii kala laabto sabab kasta ha ku timaadee,

4- Baarlamaanka hadda jira awood sharci ah uma laha in ay doorasho u cusbooneysiiyaan shir-gudoonka iyo Madaxweeynahaba iyadoo waqtigii uusan weli dhammaan, sababaha Axdigu sheegaayo ee kor ku xusan aysan jirin.

5- Aqoonyahannada sharcigu waxay qirayaan xattaa haddii laysku raaco muddo kordhin cusub sharci ahaan ma aha in loo fasiro ama lagala mid dhigo Baarlamaan cusub oo la soo doortay, mana keeneeyso in hay`adihii Dastuuriga ahaa ee dalka ka jira dhismahoodii dib loogu laabto.

6- Nuxurka muddo kordhintu waa waqtigii la qabtay oo lagu dhammaystiri waayay howlihii laysu xilsaaray, sidaas darteedna waqti dheeraad ah loo baahan yahay, baahida waqtiga dheeriga ah oo lagu dhammaystiro howlahaas waxaa u baahan dhammaan hay`adaha Dastuuriga ah ee ma aha baahida barlamaanka oo keliya.

7- Ugu danbeyntii waxaa tixgelin gaar ah mudan marxaladda adag ee khatarta ah ee dalku marayo oo loo baahanyahay in si wada jir iyo wada shaqayn joogto ah looga samata baxo, oo aan la abuurin laguna mashquulin murano iyo isqabqabsi siyaasadeed oo fursad siin karta cadowga khatarta joogtada ah ku haya jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliyeed.

8- Waxaa kaloo muhiim ah in la helo wada shaqayn iyo is ixtiraam joogta ah ee dhexmara ha`yadaha Dastuuriga ah iyadoo la ilaalinaayo ku dhaqanka Axdiga iyo shuruucda dalka iyo in Hay`adaha Dastuuriga ah cid waliba loo daayo gacanna lagu siiyo gudashada howlaha Axdiga iyo shuruucda kale loogu xilsaaray, islamarkaasna laga fogaado shirarka jaraaid oo aan maslaxadda umadda ku jirin.

9- Waxaa mar kale la xasuusinayaa Guddoonka baarlamaanka mar haddii ay dhisan yihiin Ha`yadihii dastuuriga ahaa ee dalka, in ay waajibaadkooda ka mid tahay in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo hab raaca sharci dejinta dalka ee uu baarlamaanku gaaro loo gudbiyo Madaxweeynaha JS si loo ansixiyo loona dhaqan geliyo ugana mid noqdaan shuruucda dalka lagu maamulayo.

www.ceegaag.com

                                                                                

webmaster@ceegaag.com