shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacadda Muqdisho oo dalka Liibiya kasoo samata-bixisay macallimiin ay waxbarasho ugu dirtay dalkaas.

 

(Muqdisho,  March 17,  2011 Ceegaag Online)

Jaamacadda Muqdisho ayaa ku guuleysatay inay kasoo samata-bixiso qaar ka mid ah macallimiin ay waxbarasho sare ugu dirtay dalka Liibiya, kuwaasoo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho, Macallimiintan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay maamulka Jaamacadda Muqdisho oo ay ka mid yihiin: guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Dr. Cali Xasan Maxamed, Diiwaan-hayaha Jaamacadda Dr. Maxamed Xuseen Ciise iyo madaxa imtixaanaadka Jaamacadda Dr. Maxamed Xasan Nuur.

"Waxaan aad ugu faraxsannahay inay maanta nabad kusoo laabteen macallimiintii ay jaamacadda Muqdisho horay ugu dirtay dalka Liibiya si ay u dhameystirtaan waxbarashada sare," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Muqdisho.

"Ahmiyadda ay jaamacadda Muqdisho siisay macallinka ayaa ah mid aad noo farxad gelinaysa, iyadoo aan loo kala harin," ayuu hadalkiisa daba-dhigay Dr. Cali Xasan, isagoo uga mahadceliyay guddoomiyaha iyo maamulka qaybta ay ka qaateen samatabixinta macallimiinta.

Macallimiintan kasoo laabtay dalka Liibiya ayaa waxaa u socday takhasusyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Master Degree iyo PhD, waxaana loo diyaarinayay inay kaalin mug leh ka qaataan baahida macallinnimo ee jaamacadda Muqdisho.

"Waxaan aad ugu faraxsannahay inay jaamacadda Muqdisho naga soo samata-bixiso dalka Liibiya iyadoo noosoo dirtay waxyaabihii noo fududeynayay inaan uga soo baxno halkaas," ayuu yiri Liibaan Maaxi Macallin oo ka mid ahaa macallimiinta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa xaflad loo sameeyay soo dhaweynta macallimiintan ka hadlay Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow) oo ka mid ah mas'uuliyiinta jaamacadda Muqdisho, isagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay si nabad ah dib ugu soo laabtaan macallimiintan waxbarashada u aaday Liibiya.

"Tani khibrad ayay idiin noqonaysaa, waayo waxaad horay u soo aragteen dagaallo iyo rabshado maadaama aad ku noolaydeen dalkiina oo ay dagaallo ka jireen muddo dheer," ayuu yiri Dr. Baadiyoow oo la hadlay macallimiintii soo laabtay, isagoo kula dardaarmay inay halkoodii kasii wadaan waxbarashadii ay awalba u hayeen dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, maamulka, macallimiinta, ardayda iyo saxiibbada Jaamacadda Muqdisho waxay u mahadcelinayaan bulshada Liibiya garab istaagga bulshada Soomaaliyeed oo ay kala dhexeyso: Walaalnimo, Carabnimo, Islaamnimo iyo Afrikaannimo, waxayna u rajeynayaan inuu Alle ka samatabixiyo dhibaatada ka jirta waddankooda.

C/naasir Yuusuf Macalin
Xafiiska Warfaafinta Jaamacada Muqdisho

                                                                                

webmaster@ceegaag.com