shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

(Minneapolis,  March 08,  2011 Ceegaag Online) 

Ralph Boelter, who is leaving the Minneapolis FBI office to become FBI assistant director in charge of counterterrorism, led an investigation into the disappearance of young men of Somali descent.

FBI-da Maraykanka ayaa sheegtay inaysan aqbali doonin in dhalinyarada Soomaalida ah ee ku sugan dalkaasi ay ku biiraan Xarakada  Al Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaliya.  

War kasoo baxay Xafiiska FBI-da ee gobolka Minneapolis ayaa lagu sheegay in dowladda Maraykanka aysan marna ogolaan doonin in dhalinyarada Soomaalida ee ka tagta dalkaasi ay ku biiraan Xarakada Al Shabaab si ay qeyb ugu noqdaan dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho.

Ralph Boelter oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada FBI-da Maraykanka ayaa waxaa uu sheegay inay qorshaynayaan casharo toos ah inay bixiyaan kuwaasi oo looga hortagayo qatarta  Aargigixisada iyo waliba la socoshada dhaq dhaqaaqa ay samaynayaan dhalinyarada Soomaalida ah.

Wixii ka dambeeyay 11-kii bishii September xiligii ay dhaceen qaraxyadii cuslaa waxaa ay dowladdu Maraykanka samaysay dadaalo dheeri ah oo ku aadan sidii loo adkayn lahaa amaanka iyo waliba la socoshada Muwaadiniinta kala duwan ee ka dhowfaysa wadanka Maraykanka.

“Waxaan talaabo talaabo ula soconaa dadka ka tagaya halkan islamarkaana ka qeyb gala dagaalada ka soconaya dunida inteeda kale, waxaa noogu daran dadka Somalida ah kuwa soo laabta iyo waliba kuwa ka taga, hase ahaatee il gaar ah ayaan ku eegi doonaa” ayuu yiri Ralph Boelter oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada FBI-da Maraykanka.

Waxaa uu sheegay in ay samayeen diyaar garoow xoogan oo ay ugu talagaleen inay kula socdaan dhalinyarada Soomaalida iyo waliba dhaq dhaqaaqyada ay samaynayaan isagoo xusay in sidoo kale ay la shaqaynayaan dadka Soomaalida ah ee ku nool guud ahaan wadanka maraykanka.

Source: By JAMES WALSH, Star Tribune

                                                                         

webmaster@ceegaag.com