shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawladda Federaalka Canada ee uu hogaamiyo xisbiga mayalka adag oo laga yaabo in ay dhacdo maalmaha soo scoda.

(Ottawa,  March 23,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa maalintii shalay la horkeenay Barlamaanka Canada miisaaniyaddii dawladda ee sanadka 2011-2012 kaas oo uu soo diyaariyay wasiirka maaliyadda ee dalka Canada Mr. Jim Flaherty, Markii wasiirku dhameeyay waxyaabihii uu xambaarsanaa miisaaniyaddaasi ayaa waxaa isla markiiba diidmo qayaxan kala horyimi xisbiyada mucaaradka ah ee NDP, Liberal and BQ iyagoo sheegay in aysan ku jirin miisaaniyadda wax dan u ah dadwaynaha reer Canada, gaar ahaan kuwa danyarta ah, carruuraha iyo dadka waawayn.

Xisbiyada mucaardka ayaa caddeeyay in ay gabi ahaanba lumiyeen aaminaaddii xisbiga tirade yar  ee talada hadda haya isla markaana ku tilmaamay Raiisalwasaare Stephen Harper in uu ku tuntay nidaamkii iyo kala danbayntii Barlamaanka kuna takrifalay awoodddii dastuuriga ahayd ee dalka u taallay iyo hantidii qaranka.

Saddexda xisbi ayaa si wada jir ah isugu raacay in  laga bilaabo maanta ay shirguddoonka Barlamaanka u soo gudbindoonaan dacwad ka dhan xisbiga talada haya kaas oo haddii ay meelmariyaan xubnaha Barlamaanku ay gabiahaanba dhacayso dawladda tirade yar ee uu hogaamiyo Stephen Harper.

Ugu danbayn maalinta Jimcaha ayaa laga yaabaa in Barlamaanku ka doodo arrintaas islamarkaana haddii ay ku guulaystaan in ay ridaan dawladda Stephen Harper waxaa imanaysa in lagalo doorasho bilaha soo socda.

www.ceegaag.com

 

                                                                                

webmaster@ceegaag.com