shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Budhcad badeeda Soomaalida oo baryahan danbe ka qadhaabta daafaha dunida ayaa markii ugu horaysay qafaashay Qoys iska dhan  the Quist Johansen family.

 

(Xaafuun,  March 02,  2011 Ceegaag Online) 

 

Qorskan oo ka kooban Aabe, Hooyo iyo dadexdoodii caruura ayaa laga helay badwaynta hindiya siiba gacanka cadmeed iyaga oo damaashaad la dhex muquuranaya.

C/laahi Max’ed oo ka mid ah burcad badeeda Somaalida islamarkaana la hadlay Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa waxaa uu sheegay in qoyska ay hayaan aysan ku jirin Caruur wallow wararku qaar ay sheegayeen in Muwaadiniintaasi ay 3- ka mid ah yihiin Caruur oo kala ah gabar 13-jir ah Naja iyo labo wiil Rune oo jira 17 iyo Hjalte oo jira 15.

Max’ed ayaa waxaa uu cadeeyay in weerar kasta oo la’isku dayo in lagu bad baadiyo Muwaadiniintaasi u dhashay dalka Demark ay keeni karto dhimashooda, wuxuuna tilmaamay in asbuucii lasoo dhaafay ay dileen afar Muwadin oo u dhashay dalka Maraykanka kuwaasi oo uu tibaaxay in markii la’isku dayay in la bad baadiyo ay dileen. 

Qalalaasaha Siyaasadeed ee dunida carabta ayaa u fududeeyay in indhaha caalamku kasii jeesto Budhcadbadeeda Soomaalida taas oo ku dhiiro galisay inay qadhaabka qafaalashada ku qotama sii kordhiyaan.

 

www.ceegaag.com  

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com