shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Abaaraha ka jira Gobolka Cayn oo sii laba laxaadsaday iyo uruka bishacas oo kor meer ku tagay qaybo ka mida gobolka Cayn.

(Buuhoodle,  March 25,  2011 Ceegaag Online)

 
Iyadoo ay abaaro ka jiraan dhammaan gobolada  ay Soomaalidu dagto   ayaa arintaasi si weyn looga dareemay gobolka cayn iyo nawaaxigiisa. Hadaba Ururka Soomaaliyeed ee Bishacas ayaa kormeere ku tagay qaybo ka tirsan gobolka sida Dandan,  Xamarlaguxidh, Banyaal, Dhalaamecune iyo Dhilaalo.
 
Uqaabilsanaha Ururuka bishacas{SRCS} Ee gobolka cayn C/risaaq Cali Duraan ayaa baaq u diray umada muslimiinta gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka si loogu gar gaaro dad ka ay abaaruhu saameeyeen "dhammaan waxaan ugu baaqayaa umada Soomaaliyeed gaar ahaan jaaliyadaha, goboladan inay soo taakuleeyaan  dadkooda ay abaaruhu halakeeyeen lana daalaa dhacaya biyo la'aan" saas waxaa yiri  u qaabil sanaha ururka bishacas  xili uu u waramayay shabakadan.

 

www.ceegaag.com

                                                                                

webmaster@ceegaag.com