shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaalliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka oo tacsi udiraya dhamaan Umadda Soomaaliyeed iyo eheladii Marxuum Axmed Jaamac Cabdulle ( Jangali ).

 

(Phoenix Arizona ,  March 05,  2011 Ceegaag Online)  

A R I Z O N A

2425 E. THOMAS ROAD – Suite 10/12- PHOENIX, AZ 85016

Ph: (602) 522 2100; Fax (602) 667 9700

www.somaliauc.org

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAJICUU

Dhammaan Xubnaha Somali American United Council ee Arizona iyo dhammaan Jaaliyada Somaliyeed ee Arizona waxay iyagoo ka tiiraanyeysan tacsi u gudbinayaan dhammaan reerka, ehelada iyo qoyska uu ka baxay marxuum Axmad Jaamac Jengeli, iyo dhammaan Ummadda Somaliyeed meel ay jogaanba.

Marxuum Ahmed Jaamac Jengeli wuxuu ka mid ahaa halyeyadii Somaliyeed ee dhidibada u aasay Qarannimada Somaliyeed, doorka uu ka qaatay hogaaminta horumarinta Dalkana waa mid lama illaawaan ah oo xaqiiqa ahaan tariikhdu markhaati ka noqoneyso.

Waxaan Eebaha-Weyn ka baryeynaa inuu marxumkaas Janna Fardowsa ka waraabiyo. Reerka, qoyska, ehelada, Ummadda Somaliyeed iyo innagoo idilna samir iyo imaan innaka siiyo. ”Amiin”

Prof. Mohamed Ali Abukar, President

SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL AZ 

                                           ********************************************************************************************

Qunsulka Somaliya U Fadhiya France Dr. Mohamed Ibrahim Awaale Oo U Tacsiyaynaya Qoyskii Iyo Qarabadii Axmed Jamac Jengali.

Anigoo ah Dr. Mohamed Ibraahim Awaale oo ku magac dheer Dr. Charles ahna Qunsulka guud ee Safaarada Soomaalida ee PARIS,FRANCE Waxaan halkan Tacsi uga dirayaa, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed, ee uu ka geeriyoodey Allaah ha u naxariistee Hogaamiye Siyaasadeed wadani rug cadaa ah isla markaasna soo qabtay xilka wasiirka wasaarada arrimaha dibada iyo xilal badan oo muhiim ah intii ay jirtay ee ay xornimada heshay Jamhuuriyada Soomaaliya iyo ka horba  Mudane Dr. Ahmed Jaamac Jengeli oo ku geeriyooday cariga mareykanka.

Waxaan Ahmed Jaamac kasoo wadashaqeynay wasaaradii Arimaha dibada, wuxuuna ahaa nin aan dhihi karo wuxuu ahaa macalinkii diplomasiyada oo aan waxbadan ka bartay. wuxuu nin wadani ah oo aan inaba aqoon eex, laaluush iyo qabyaalad kana adag xirfad u leh shaqadiisa.

waxaan leeyahay rabi naxariistii jano ha siiyo samir iyo iimaana allaha ka siiyo carruurtiisa iyo ehelkiisa iyo dhamaan ummada soomaaliyeed ba.
 

Dr. Mohamed Ibraahim awaale (Dr Charles)
Paris, france

 

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com