shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

8 ruux oo ku dhaawacmay shil gaadhi oo ka dhacay duleedka Buuhoodle.

 

(Buuhoodle,  March 05,  2011 Ceegaag Online) 

Ugu yaraan 8 Ruux ayaa ku dhaawacmay shil baabuur oo kadhacay meel u dhow tuulada Sool joogto oo katirsan degmada Buuhoodle abaaro 12:00 duhurnimo.

Shilkan ayaa dhacay kadib Markii labo gaadhi ay si kadis ah iskugu dhaceen inta la ogyahayna 8 ruux oo dhaawac sahlan ayaa lasoo gaadhsiiyay cisbitaalka dhexe ee magaalada Buuhoodle.

Dhinaca kale Bananbaax ayaa maanta kadhacay magaalada buuhoodle oo looga soo horjeeday maamulka Somaliland, Dadka banaanbaxayay ayaa u badnaa haween iyo caruur oo markaasi socod kumarayay dhowr wado oo magaalada kamid ah.

Dadka banaanbaxayaasha oo subaxnimadii hore ee saaka lagu soo kiciyay baabuur ay kuxirnaayeen cod baahiyaal laga siidaynayay heeso wadaniya ayaa markaasi bilaabay in ay isugu soo baxaan wadooyinka si ay umuujiyaan qaabka ay uga xunyihiin faragalinta maamulka Somaliland iyo dagaalada asbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Cayn.

www.ceegaag.com

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com