shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xoghayaha guud ee IGAD H.E Eng. Mahboub Maalim  iyo Wasiirkuxigeenka wasaarada Gaashaandhiga ee Kenya  Hon. Joseph Nkaisserrry oo la kulmay jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Boston.

 

(Boston, June 12,  2011 Ceegaag Online)

 

Waxaa galabta ka dhacay xarunta Afircan Community Economic Development of NE shir xogwaraysi ah oo Jaaliyada Boston warbixin uga dhagaysteen Xoghayaha guud ee IGAD H.E Eng. Mahboub Maalim  iyo Wasiirkuxigeenka wasaarada Gaashaandhiga ee Kenya  Hon. Joseph Nkaisserrry.

Waxaa shirka daadihinayay Cabdulqaadir Yaasiin Madaxa ACEDONE iyada oo uu ka waramay taariikhda Xoghayaha guud ee IGAD H.E Eng. Mahboub Maalim  Pro. Xuseen Dayib oo sheegay in xoghayahu uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee maamula biyaha magaalada Mombasa oo ah caasimada labaad ee Kenya.

Balse uu wax barasho usoo aaday Mareekanka si uu aqoontiisa u kororsado isaga oo noqday xoghayaha wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee dalka Kenya sidoo kalena noqday xoghayaha gaarka ah  madaxwaynihii hore ee Kenya DANIEL T. ARAP MOI.

Xaghayaha markii lagu soo dhaweeyay wuxuu ku nuux nuux saday dhismihii ururka iyo sidii uu madaxwayne Siyaad Bare u yagleelay urur goboleedka IGAD. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay arimaha Soomaaliya isaga oo carabka ku balaadhiyay in uun oo kaliya ay xalin karaan siyaasada Soomaaliya Soomaalida uun.

Ugu danbay Xohayahu wuxuu ku soo gunaanaday hadalkiisii in aan marnaba xal loo helayn siyaasada Soomaaliya  inta ay siyaasada Soomaaliya gacanta ugu jirto dad ka fikiraya uun

  • Maxaan Helikaraa
  • Maxaa iigu jira
  • Maxaan ka heli shaqsiyan

Dadka Soomaaliyeedna u sacab tumayaan dadkaa feentay qarannimadii Soomaaliya.

 

Waxaa isna goobta ka hadlay Wasiirkuxigeenka wasaarada Gaashaandhiga ee Kenya  Hon. Joseph Nkaisserrry oo isna dadka Jaaliyada Soomaaliyeed ku guubaabiyay inay leeyihiin wadanka ugu quruxda badan Afrika, inay isku afyihiin, isku diin yihiin, isku dhaqan yihiin ayna marnaba jirin wax dalka iyo dadku u burbur sanaadaan labaatan sanadood.

Waxaa kale oo uu jaaliyada ku booriyay inay dalka dib ugu soo noqdaan oo ku soo celiyaan maalkooda iyo maskaxdooda. Isaga oo sheegay inuu ka masuul ka ahaa in H.E Eng. Mahboub Maalim  laga dhigo Xoghayaha IGAD maadaama uu Soomaali Yahay, Soomaaliyana gacan u baahan tahay uuna fahmi karo xaalada Soomaalida iyadoo ay hada tahay Soomaaliya meesha kaliya ee khatarta ku ah nabadgalyada Mandaqada Afrikada Bari iyo caalamka intiisa kaleba ayuu hadalkii kusoo gunaanaday.

Kadib waxaa la furay Su’aalihii kuwa ugu mihiimsanaana waxay ahyeen su’aal uu waydiiyay Bile Faarax Gucuri Xoghayaha su’aashaa oo ahayd in xoghayuhu ku tilmaamay Somaliland dhul nabad ah IGAD na ay lashaqeenaso waxna ka qabanaso ilaa intii awoodeeda ah arintaa oo Bile ku tilmaamay inay xaqiiqda ka fogtahay isaga oo sheegay inay Somaliland Dagaal Hubaysan kula jirto Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn.

Xoghayaha ayaa ku  jawaabay in reer IGAD ay yihiin ilaa 200 milyan Somaliland na ay tahay Gobol ka mida Soomaaliya, Soomaaliyana goobihii nabada ay la shaqeenayaan isaga oo sheegay inay SSC la shaqeen doonaan hadii ay layimaadaan dhul ay maamulaan oo nabad ah Soomaaliya dhexdeeda.

Daawo Sawiradii Shirkii Goobta

Eng. Xuseen Fiin

Boston

 

webmaster@ceegaag.com