shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xafladd loo qabtay Soo Dhaweynta Raisul-Wasaaraha cusub Prof. Abdiweli Mohamed Ali Gaas oo ka dhacday Dalka Sweden

 

(Sweden,  June 25,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa maantaoo ay taariikhdu tahay 25 bisa june 2011, Magalada Filipstad ee Gobolka Värmland ee dalk Swéden lagu qabtay xafladii Soo dhaweynta Raisul-Wasaaraha Cusub ee Dalka Soomaaliya ´Prof. Abdiweli Mohamed Ali (Gaas) ee 23 Bishan june 2011 uu Madaxweyne Sharif ku dhawaaqay.
Dhamaan jaaliydda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkan ayaa soo dhaweyn iyo hambalyo ay ku dheehen tahay Kalgacayl Wadaniydeed ay udireen Raisul-Wasaaraha Cusub Prof. Abdiweli Mohamed  ( Gaas)
 
Waxaa halkaas isku dhamamaan Bulshada Soomaaliyyeed ee ku dhaqan Gobolka Värmland ayagoo isku jiray, Arday, Waalidiin, Bulshadda Rayidka, AQoonyahano iyo Siyaasiyin aysan ukala harin Xafldaas.
Dadkii Madasha ka hadlay ayaa Ilaahay uga Baryay inuu lagarab galo Xilkan Culus ee u qaaday.
 
Waxaa isla Madasha Xafladu ka dhacaysay ka hadlay isago ku hadlaya magaca Jaaliyada Gud Jaaliyadda Filipstad Mudane Cabdi Cali Warsame ( Cabdi dheere)oo sheegay in ay soo dhaweynayaan magcaabistaan cusub.
 
Gabagabadii waxaa isla Madasha Shirka ka hadlay Cabdifatax Warsame Rooti oo ah Commercial Consuller Somali Embassy in Turkey oo sheegay  inuu ku faraxsan yahay magcaabista Raisul-Wasaraha Cusub Prof. Abdiweli Mohamed Ali (Gaas) isagoo  hambalyo iyo salaan ay ku dheehan tahay Wadaniyad udiray Raisul-Wasaaraha, ugu duceeyay inuu ilaahay lagarab galo Amaanada Culus ee uu qaaday isagoo waliba tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay ubaahan tahay aqooonyahįno karti leh oo kamira dhaliya Nabad la,aan taan kunagaatay Gayigeena, Wuxuuna Dhammaan Bulshada Soomaaliyeed Dal iyo dibed ba meeshii ay Joogaan in ay muujiyaan taageeradooda ayna garab is tagaan Xukuumadaan Cusub ee dhawaan lasoo dhisi doono wuxuu kale uu Fariin udiray Baarlamaanka Soomaaliyeed in ay gutaan waajibadkii qaran oo ay horayso ansixinta Xukuumadda kana wada shaqeeyaan sidii Dalka oo idil Nabad loogu soo Dabaali lahaa.

Daawo Sawirada

 
Xafiiska Jaaliyadda Soomaalida
Filipstad - Värmland -Sweden

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com