shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxgaradka Degmada Ceegaag oo Amaan u jeediyay hay’adaha SCERDO iyo NPA oo hirgalinta 2 Ceel ka bilaabay Degmada Ceegaag.

 

(Muqdisho,  June 23,  2011 Ceegaag Online)

Waxgaradka degmada Ceegaag oo xiriir lasoo sameeyay Shabakada Ceegaag.com ayaa amaan u jeediyay hay’adaha SCERDO iyo NPA ee fadhiyadoodu yihiin dalalka Canada iyo Norway dhawaana ka bilaabay ceelal biyoodyo ay ka qodayaan degmadaas.

Ceelal biyoodyadan ayaa waxaa ka faa'iideysandoona dadka ku nool degmadaas iyo nawaaxigeeda "Sababta ugu mihiinsan ee ceelashan loo qodayo ayaa waxay tahay inay ka faa'iideystaan dadka ku nool daafaha degmada Ceegaag".

Dadweynaha ku nool gudaha iyo daafaha degmada Ceegaag ayaa aad usoo dhaweeyay ceelasha laga qodayo Deegaankooda mahad balaadhana u jeediyay hay’adaha SCERDO iyo NPA iyagoo sheegay inay wax badan ka tarayaan biyo la'aan ba'an oo haysatay bilihii ugu dambeeyay, gaar ahaan markii ay abaaraha xooggan dalka ka dillaaceen.

Degmada Ceegaag ayaa ka mid ah Degmooyinka ay abaaruhu  saameeyaan waqtiyada Jiilaalka, iyadoo dadka kaliya ee ukaca Degmadaas ay yihiin Qurbo Joogta u dhashay Deegaankaas oo biyo dhaamis u sameeya dadka ku nool Degmada Ceegaag iyo deegaannada hoostaga.

Daawo Sawiradda

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com