shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka dhalinyarada Soomaalinimada ku midoobay ee magaalada Boston oo la shiray waalidiinta qaarkood.

 

(Boston,  June 19,  2011 Ceegaag Online)

Shir albaabdu u furnaa oo ka dhacay masjidjaamaca magaalada Boston ayaa lagaga hadlay sidii dardar galin loogu samayn lahaa hawlaha dhalinyarada soomaalinimada ku midoobay iyo waalidiinta dhalinyaradaa.

Shirkan oo lagu qaadaa dhigay sidii looga dhex abuuri lahaa waalidiinta iyo USY wada shaqayn joogta ah inta uu socdo mashaariicda lagu tayeenayo dhalinta Soomaalida reer Boston wakhtiga Xagaaga ah ee fooda inagu soo haya.

Wada hadal dheer ayaa waxaa laysla meel dhigay sidii loo awdilahaa dhamaan wixii daldaloola ah ee laga yaabo inay ka siibtaan dhalinta ka qabqaadanasa mashaariicda Xagaaga iyada oo hoosta laga xariiqay in waalidiintu la socon doonaan sida ay hawluhu u socdaan maalin walba.

Waxaa laga boorinayaa dhamaan waalidiinta inay gacanta ubadkooda ku qabsadaan oo la tacaalaan ilaa intii karaankooda si looga hortago inay noqdaan ku ku guul daraysta nolosha mushatamacana khasaare u soo jiida.

 

webmaster@ceegaag.com