shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ugaaska Beesha SADE (Mareexaan) Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ku geeriyoodey Magaalada Nairobi.

 

(Nairobi,  June 09,  2011 Ceegaag Online)

Ilaahay naxariistii Jano haka Waraabiyee Waxaa maanta isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday  Ugaaskii Beesha SADE (Mareexaan) Ugaas Cumar Ugaas Xisri, oo ka mid ahaa oday dhaqameedyada laga yaqaanay Geeska Afrika gaar ahaan Dhulka ay Soomaalidu dagto oo dhan.

Ugaaska oo qabay cudurka Sonkorta ayaa Nairobi loo geeyay daryeel caafimaad, iyadoo ka hor geeridiisa la qorsheynayay in loo sii qaado qaarada Yurub gaar ahaan Dalka Jarmalka.

Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa ifka kaga tegay 54 carruur ah oo 33 ka mid ah ay yihiin wiilal, halka 21-ka kale ay yihiin Hablo, Meydka Ugaaska ayaa la filayaa in lagu aaso Magaalada Galbahaareey ee gobolka Gedo.

Dhamaan howlwadeenada Shabadaka Ceegaag.com Waxay tacsi u dirayaan dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaadh ahaan Eheladii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday  Marxuum Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Waxaan Illaahay uga baryeynaa in Marxuumka Janadii Fawdasa ka waraabiyo Ummada Soomaaliyeed, uu ka tagayna  samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

 

webmaster@ceegaag.com