shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii ugu horooyay ee Jaaliyada Soomaalida reer

 Boston oo ku qabsoomay masjid jaamac wayn ee

 magaalada.

 

(Boston,  June 20,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa maanta ka dhacay masjid jaamaca wayn ee magaalada Boston shir ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada. Shirkan ayaa lagu gorfeeyay sidii ay jaaliyada Soomaalida ee reer Boston meel uga soo wada jeesan lahaayeen cid ala iyo cidii doonasa inay carqaladeeso amaanka guud ee wadanka Mareekanka siiba kan gobolka Massachusetts.

Shirkan ayaa waxaa warbixin siiyay dadwaynaha gudi loo xilsaaray inay jaaliyada u matalaan wadahadalada lala galayo dhamaan qaybaha bulshada siiba Amaanka iyo Siyaasada. Gudigaa oo soo bandhigay waxqabadkoodii mudadii sadexda sitimaan ah ee ay dhisnaayeen iyada oo Jaaliyadu isku raacday inay gudidu shaqada u sii wadaan, siiyayna cod caqlabiyad ah.

Qaar ka mida xubnaha jaaliyada ayaa aad ugu dheeraaday baahida ay qabaan mushtamaca Soomaaliyeed ee iyaga oo xididada loo soo siibay lagusoo dhex daadiyay Maraykanka lana kulmay midab takoor dhaqaale oo ay kaliftay aqoon yaraani taasoo hadeer ay u sii dheeraatay in looga shakiyay arimo la xiriira ama keeni kara Amaandaro.

Shirkan ayaa meel laysla dhigay in loo baahan yahay in lawada shaqeeyo maadaama la wada haysto cidkasta oo Afsoomaaliga ku hadasha, iyada oo dadka lagu takooro kantaroolada xuduudaha iyo gagooyinka Diyaaradaha siiba garoonka Logan Airport ee magaalada Boston.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com