shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mu'tamarkii 3-aad ee Denmark oo lagu soo af meeray Århus.

 

(Arhus, Denmark,  June 27,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa lagu soo af jaray magaalada Århus oo caasimadda 2-aad dalka Denmark shirwaynihii 3-aad ee Denmark oo ay kasoo qaybgaleen mashaa'ikh iyo culumo waawayn oo maahir ku ah diinta Islaamka.

Waxaana muxaadareeyey culumaa'udiin fara badan oo ay ka mid yihiin Sheekh Yaasiin Barqadle (Barkhadle) oo jeediyay muxaadaro uu inwaankeedu ahaa ''U SAMAFALKA IYO U BAARRI AHAANSHAHA WAALIDKA''.

Sheekh C/Raxmaan Barkhad Good ayaa isna wax badan taxliiliyay mowduuc ku saleysnaa ''HAGAAJINTA XIRIIRKA EEBBE'' isagoo ka digey in la noqdo sida dadka indho ku garaadlayaasha ah ee rumeeya uun wixii ay shaybaar ku arkaan iyo mid kale oo uu magaceedu ahaa ''ISLAAMKU WAA NABAD'' oo uu ku sheegay in la ogaado in islaamku aanu dooqa 1-aad ka dhigeynin dagaal iyo gacan ka hadal jeer ay dani ka fursan waydo mooyee iyo in aan waxyaabaha qaarkood la muhiimad dhaafinin balse la fahmo sida ay waxyaabuhu u kala mudan yihiin 'Fiqhul uuluwiyaat''.

Waxaa isna hadlay Sheekh Maxamed Dayib oo soo qaatay mowduuuc ku salaysan ''FAHAMKA HAB-FAAFINTA DACWADA ISLAAMKA'' ama 'Fiqhu dacwa' isagoo hoosta ka xariiqay sida loogu baahan yahay in la casriyeeyo wadooqiiyinka loo kaashado faafinta diinta Islaamka sida in wax badan la adeegsado warbaahinta (Mass media) oo uu ku tilmaamay kuwo muhim u ah in dadka laga dhaadhiciyo wanaaga islaamka oo ah diinta kaliyee xaqa ah.

Waxaa markiisa qaatay Sheekh Cismaan Usuuli oo ku tuuntuunsaday ''MUHIIMADDA UU WADATASHIGU U LEEYAHAY ISLAAMKA'' isagoo soo qaatay aayaadka qur'aanka ah ee tilmaamaya in ALLE uu awood u leeyahay inuu caalamka oo idil ka dhigo caabidiin wada hogaansan laakiin ay xikmadi kujirto kala duwanaanshaha, sidaa darteedna loo baahan yahay in mar kasta xisaabta lagu darsado inaan khilaaf dhamaaneynin laakiin xalintiisu ay hadba ku xiran tahay sida aad ula dhaqanto is mari waaga taagan ''Marka aad dhibka taagan xalineyso, ha isku dayin kaliya inaad guuleysato, balse isku day oo wax kasta u hur xalintiisa'' ayuu yiri Sheekh Usuuli oo sidoo kale soo jeedshey in la bedelo hanaanka ay Soomaalidu caadaysatey inta badan oo ah in qofka wax ka khaldan yihiin si shakhsi ah loo weeraro ee aan laga hadlinba waxa laysku hayo.

Sheekh Usuuli ayaa sidoo kale mowduuc xasaasi ah oo hal kudhegiisu yahay ''QOYSKA MUSLIMKA AH IYO QURBAHA'' aad uga hadlay dhaqamada cusub ee xaaraanta ah ee ay soo kordhiyeen qaar ka tirsan qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha sida waxa loo yaqaano kala noolaanshaha (Separation) oo uu sheegay inay dadku u bareerayaan xaaraam qadcan ah oo aan meel ku lahayn dhaqankeena islaamiga ah, isagoo usoo jeediyay lamaanaha Soomaaliyeed inaysan kala dhuumanin balse ay isku dhuuntaan oo uu qofba qofka kale asturo sirtana ku qarsado.

Sheekha ayaa khilaafyada ka dhex oogan qoysaska Soomaalida ku tilmaamay mid sidoo kale dabaqi ah oo ay isku maan diimaan dadka ku kala nool miyiga iyo magaalada oo kala sita dhaqamo degaaneed kala duwan wuxuuna soo qaatay sheeko dadkii madasha joogey ka qoslisey balse aad waaqici u ah.

''Nin bay qir iyo qir kala istaageen isaga iyo qaalidii uu qabey markaasaa lagu soo baxay, deeto wuxuu yiri ''4 walxaato hadii aysan iga daynin ma wada noolaan karno'' markaasaa lagu yiri ''Bal sheeg'' 1- Wuxuu yiri ''Xaaskaygu xabiibi ayay i tiraahdaaye, ha iga dayso xabiib waa nabigiiye (CSW) 2- Wuxuu yiri ''Way i dhunkataaye, ha iga dhaafto anigu musxaf (Kitaab) maahiye'' 3- Wuxuu yiri ''Marka ay Raashinka ii keentana gacanta ayay ila gashataa oo way ila wadaagtaa, balse anigu nin wayn oo waxgarad ah baan ahaye ha sugto anigaa usoo hambeynayee'' iyo 4- Wuxuu yiri ''Marka aynu gogosha tagno ayay gacmaha ila soo gashaa balse diyaar baan ula ahay wixii Alle iga keenee, gacmaha ha iga dayso''.

Waxaa muxaadaro qaali ah kulanka ka jeediyay Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim ''Kenyaawi'' oo dul istaagey mowduuc uu ugu wanqalay ''KA SHAQAYNTA DANTA GUUD'' isagoo is barbardhig ku sameeyey hab dhaqanka ay diinta islaamku farayso madaxda islaamka iyo kuwa maanta iyo qaabka ay u dhaqmaan oo kaaf iyo kala dheeri ah marka loo eego sunada islaamka. ''Waxaa cadaab inoogu filan joogitaanka qurbaha oo ka dhashay kala irdhoowgii iyo la coleytankii walaalihii kale ee Soomaaliyeed'' ayuu Yiri Sheekh Kenyaawi oo intaa raacshey in aakhirana la hubo in qofkii cuqdad, xiqdi iyo xasad walaal la dhintaa aanu janno urineynin maalinta dambe, kala taga iyo kala orodkana uu sabab u yahay fikirkeena fardiga ah.

Sheekh Kenyaawi ayaa madasha ka jeediyay muxaadaro kale oo loogu magac daray ''QIIMAHA WAQTIGA IYO NOLOSHA WAQTIGA'' oo uu dadka kula booriyay in lagu dadaalo ka faa'iideysiga waqtiga ''War hooy yaan sun la beeranin'' ayuu ku celceliyay isagoo dabcan tixraacayay dadka waqtiyadooda qaaliga ah ku lunsha fadhi ku dirirka, cawaysyada iwm isagoo dhalinta Soomaaliyeed ku dhaliilay wax soo saar iyo laxa-jecla la'aan dhanka waqtiga ah ''Habeenkiina way soo jeedaan, maalintiina way hurdaan'' ayuu yiri sheekhu.

Kulankan oo sanadle ah ayaa sanadkii 3-aad oo xiriir ah ka qabsoomay magaalada Århus ee caasimada 2-aad ee dalkan Denmark iyadoo lagu balamay in halkiisa laga sii amba qaado sanadka soo aadan xilliga kuleylaha hadii uu Alle ka dhigo.

Waxaa soo diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto - Koronto: maxaaji@gmail.com

Århus, Denmark

 

webmaster@ceegaag.com