shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Labada Shariif ha lays raaciyo oo yaan la kala reebin oo loo kala hiilin.

 

(Muqdisho,  June 13,  2011 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray jidkiisii oo ku hadaysmay hanuunkiisa ilaa iyo maalinta qiyaamaha,Intaas ka dib:
 
Wax badan ayaa labadan nin wax laga qoray, oo wax laga sheegay siyaasadahooda, shirqooladooda iyo fadeexadaha loo soo dhiibay ee ay dalka ka gaysteen, ummada loo soo bandhigay, in badan baa wax laga yidhi sida ay labadan nin khatar ugu yihiin jiritaanka ummadeed ee Soomaalida, sharafteeda ,karaamadeeda, xoriyadeeda iyo qaranimadeed, hase yeeshee ma jirin cid baaqyadaa dheg u dhigtay, bal xumaanta ay wadaan aad baa in badani ugu Garab siisay, iyagoo aan marnaba ka fekerin in xumaantanu iyaga uun dib ugu soo noqonayso, waa caado dhaqan u noqotay shacabka Soomaaliyeed, in ay beryahan dambe baadilka indha la’aan ku taageeraan, marka baadilku ku qarxona qaylada iyo shalaytadu cirka isku shareerto, laakiin maxay tari qaylada iyo shalaytadu waqtiga aan haboonayn ee aanad waxba ka qaban Karin.

Maanta Soomaalidu waxay isku raacsan tahay 98% in dowlad , karaamo Sharaf iyo qaranima tooni ka dambayn dowladii Maxamed Siyaad, hase yeeshee qofna sidaas ma lahayn maalintii la burburinaayay qaranimada, ee dowladii kacaanka la ridaayay, bal inta badani way ku faraxsanayd, oo ruux waliba geestiisa ayuu ka duminaayay, marka shalaytada maanta iyo amaantu maxay soo kordhin, wixii tegay waa tageen, faylasuuf reer galbeed ah baa wuxuu yidhi: “ waxa ugu xun wax la qoro ama carabku ku dhawaaqo, waa weedha ah Hadaan sidaas yeeli lahaa”, marka is canaanshada iyo shalaytadu waxba ma taraan marka waqtigeedu tago, hada labadan nin ee labada shariif tan hada dhacday ee ay ku kaceen, uguma horayn dembiyo qaran oo dalka ka galaan, taageera badana way kaga heleen ummada, iyada oo Soomaalida meel uun baa farta loogu fiiqaayee, uun loogu fiiqay farta kooxaha mucaaradka ku ah labadan nin, ayay in badani waxay uun cadaw ka dhigteen kooxaha Mucaaradka, hase yeeshee  cidiba isma waydiin xaqiiqada ay dadkan mucaaradka ahi u dagaalamayaan, cid kasta oo Soomaali ah, oo caaqil ah kama qarsoona in dagaalka mucaaradku uu ku wajahan yahay labadaa nin oo keli ah, waa laba shariif ee, marka dadka taageerayaa labadan nin waxay ka doorteen hooga iyo halaaga maalin walba ummada ku dhacaaya, in ay badbaadiyaan laba nin oo khaayimiin ah, dhamaan intii isku dayday dhex dhexaadinta kamay Hadal xaqiiqada jirta ee ah, in waxa mucaaradka loo afgaran waayay ay tahay, in aanay ogolayn in labadan nin oo ay u arkaan in ay camiil u yihiin cadaw shisheeye ah, ay meesha sii joogaan.

Maanta waxaad moodaa in xoogaa baraarug ahi uu jiro xaga shacabka, wallow aan anigu u arko in uu dhinac ka raran yahay, arimaha qaarna aad loo buun buuniyay, tan  hore dhinac buu ka raran yahay oo waxaad moodaa in labada nin loo kala hiilinaayo, oo aad Cadhada iyo eedaymaha oo dhan loogula dhacay  Shariif Xasan, iyada oo aan shaki ku jirin in Sheikh Shariif ka xun yahay, oo uga khatarsan yahay dalka iyo dadkaba Shariif Xasan, waayo Shariif Xasan waxa la odhan karaa wax badan buu ka jaahil yahay, oo waxa uu ku soo barbaaray sida la sheegay bii’ad ah waxa is dhaafis, khiyaano iyo si khaldan xoola u kasbasho, waa taa xirfada keli ah ee uu yaqaanaa, waana wax laga xumaada in ay xirfadaasu ugu Dambaystii gaadhsiisay in uu ummad dhan madax u noqodo, hase yeeshee maxaynu ugu cudur daari Shiikh Shariif oo lagu tirinaayo, in uu yahay nin dhalin yar, oo aqoonyahan ah, oo ku soo barbaaray sida la sheegay bii’ad diini ah, shareecadana si fiican u bartay, ee hadana ku dhaqmaaya dhaqamadaa foosha xun iyo dembiyadaa qaran iwm, labadii sano iyo badhkii uu Shiikh Shariif madaxwaynaha ahaa, dhibta, dagaalada, barakaca, darxumada, musuq Maasuqa, khiyaanada qaran, nin jeclaysiga, kala qaybinta ummada iwm ee uu ku kacay may soo marin dalka 18 sano ee ka horeeyay, ee dalku burbursanaa, marka waxan leeyahay labadan nin jirtaankeena ummadnimo, ayay khatar ku yihiin, ee ha lays raaciyo, yaana debed baxyada debed iyo gudaba la joojin ilaa inta ay labadan nin kursiga ay sida xaaraanta ah ugu fadhiyaan ka degayaan.

Heshiiska Kambaalana laga burinaayo, waxaan shaki ku jirin in Madaxtinimada labada tan nin ay ummada ku tahay ihaanad, hana laga feejignaado in mid qudha culayska la saaro, kan kalena la ilaabo, taas waxay khatar ku tahay xoogaaga wadaninimada ah, ee ayaamahan dambe ummada dhexdeeda laga dareemaayay, oo in badan baa u arki inay arintu  tahay qabyaalad iyo is xulufaysi, taasuna waxay keeni cidhib xumo dambe, ee ha lays raaciyo dabadeedna dibu u heshiisiintii iyaga ka socon wayday dib ha loo Bilaabo.

Tan labaadna arimaha qaar waxaad moodaa  in la yara buun buuninaayo, oo waa xaqiiqa jirta ah,  in golaha wasaarada ee uu hogaaminaayo Farmaajo, ay wax badan kaga duwan yihiin kuwii iyaga ka horeeyay ee dalka soo maray labaatankaa sano ee uu burbursanaa, runtii wax badan bay qabteen, waxayna qaadeen tub la odhan karo waa tii dowladnimo, hase yeeshee waxaa woxoodii oo dhan ba biya col dhaanshay ka dhigaaya dagaalka ay maanta dalka U horseedeen, maanta waxa qiiqaaya  oo dab ka holcayaa  dhul badan oo  iyaga ka hor nabad ahaa, dhib iyo xasuuq kii ugu waynaa bay gaysteen ciidamadan Afrikaanka ah ee looma ooyaanka ahi, khasaaruhu wuxuu ku dhacayaa labada dhinacba waa Soomaali iyo shacabkii oo ku dhex dhamaaday, marka nimankan wasiirada ah, ee hada is boox booxayaa, ee dagaalka ku hurinayaa, ma kuwa hada hurda ka soo toosaybaa,? Oo aan wax war ah u hayn wixii dalka
Ka  dhacaayay labaatankaa sanadood ee tegay miyaa?

Miyaanay ahayn in ay ka faa’iidaystaan wixii la soo maray? Waxan ayaamahan maqlaynaa damaashaad iyo in dhul badan laga qabsaday mucaaradkii, oo waa su’aal ee, sidaas xal ma ku imanayaa? Dhibtuna ma ku dhamaanaysaa? War se ma u hayaan in dowladii Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidamadii Xabashida, ee ay wateen, Muqdisho iyo dhamaan gobolada koonfureed oo dhan wada qabsadeen, Dagaalku  sidaas ma ku joogsaday oo xal mala gaadhay maalintaas? Waxa  laysku halaynayaa soo maaha ciidamadaa looma ooyaanka ah ee shisheeyaha ah? Ma ka war hayaan meeshii ay ciidamadii Xabashidu ay kaga tageen dowladii Cabdullaahi Yuusuf? Mayt se maxaa u dambayay baa la yidhi, markaas baa la yidhi kaas la sii sido, marka golaha wasiirada iyo ra’iisal wasaaruhu ma ku baraarugayaan wixii shalay ka dhacay Kambala?

Markay Dowlada ugaandha beeshii caalamka iyo Soomaalidiiba sandule kaga dhigtay in la qaato heshiiskaa baadilka ah, ee gumaysiga laynagu gelinaayo? Waayo hadii kale ciidamadeed ayay meesha kala baxaysaa!!! Ummad yahay maxaynu isu dulaynaynaa, maxaynu inagu isugu muuqnaa, oo aan isaga indha tiraynaa cadawgeena, dagaalkan laynagu wado hal iyo awr toona kuma lihin, oo shisheeyaa loogu adeegayaa, dadkeena iyo dhalinteenana ayaa lagu Dhamaynayaa, sidaas darted waa in aynu  baraarugaa, oo dareenaa khasaaraha iyo dulinimada aan ku suganahay, waynagu filan tahay labaatan sanadood baynu dagaal ku jiray, oo kooxa kala raacaynay, maxaan ka dheefnay oo aan khasaare iyo darxumo ahayn. Aniga waxay iigu muuqataa in aynu ka takhalusno labadan nin ee nabada hor taagan, waa wax aan dhacayn inta ay kuraasta ku fadhiyaan labada shariif in nabad la helo, aayeheenuna meel xun uun buu Ku dambayn, taas dabadeedna dib u heshiisiin dib loo bilaabo, yaynaan laba nin oo iyagu uun danaysanaayaan, iyo shisheeye ku sii dayn  aayeheena, ciidamadan shisheeye ee looma ooyaanka ahi waxay ku yeelaan maaha ee waxba kuguma soo kordhinayaan, nimaan kuu furi doonina yaanu kuu rarin. Is cadaawadaysiga dhexdeena ah ha la joojiyo, taas cadaw uun baa loogu adeegayaa ee, Soomaaliya Soomaali baa leh, Allaah haydin garadsiiyo.
 
Wabillaahi atowfiiq
 
Essa Mohamoud Aadam
 
almutawaadic@yahoo.com

 

webmaster@ceegaag.com