shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxdii ka socotay Gobolka Sool ayaa ku guuleysatay Tartankii kubada Cagta ee lagu qabtay Magaalada Hyderabad ee Dalka India.

 

(Hyderabad,  June 09,  2011 Ceegaag Online)

Kooxdii mataleysay Gobolka Sool ayaa ku guuleysatay tartankii koobka kubadda cagta ee dhax maray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka India.

Tartankan oo ahaa mid ay isku arkeen ilaa 10 kooxood ayaa lagu qabtay Magaalada Hyderabad ee Dalka Hindiya, waxaana Ciyaartii Final-ka isugu soo baxay Goboladda Sool iyo Sanaag.

Ciyaarta Finalka oo ka dhacdey garoonka Masabtank ee magaalada Hyderabad ayaa waxaa ku guuleysatay kooxda Sool oo 5-0 ugu itaal roonaatay kooxda Sanaag, Ciyaarta kadib ayaa waxaa Koobkii la Gudoonsiiyay Captain-ka Kooxda Gobolka Sool Abdirahmaan Mohamed A. Aden (Qasbaaye).

 

Koobkan oo hirgilintiisa iska kaashadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee India ayaa Mudadii uu koobkani socday waxaa u soo daawasho tagi jiray taageerayaal badan oo isugu jira Soomaali, Ajaanib iyo Hindi jecel daawashada ciyaaraha gaar ahaan Kubadda cagta.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com