shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 

JASIIRADA SUQADARA: KU QABSO KU QADI MEYSIDE (Qaybtii Labaad)

 

(Suqadara,  June 17,  2011 Ceegaag Online)

TIMIRTII HOREBA DAB LOO WAA

Waxa ay aheyd 24-October-2010, markii Jariidada YemenPost soo daabacday in Dfkg ahi sheegatay lahaanshaha Jasiirada Suqadara, Qaramada Midoobayna hordhigtay xal ka gaarida Suqadara.

Jariidadu waxa ay xustay in ay tahay markii ugu horeysay ee Maamul Soomaaliyeed ku hadaaqo sheegashada Jasiirada, dhinaca kalena waxa ay cadeysay in dowladeedu ay qoraal u gudbisay Qaramada Midoobay, kaasoo tilmaamayay lahaanshaheeda, ayadoo cuskaneysa taariikhda iyo raadka ay ku leedahay Suqadara.

Warbixintan marka ay qoreysay Jariidada YemenPost, waxa ay kasoo
xigatay Ahmed Abdul Karim Saif, oo ah executive director of the Saba Center for Strategic Studies.

Garanay mowqifka Dowlada Yamani qadiyadan iska taagtay, su'aashu waxa ay noqoneysaa

Meeye qoladan(DfkgS) la leeyahay waxbay sheegteen oo Qaramada Midoobay u gudbiyeen?

Maxay si waadix ah uga hadli waayeen Qadiyadan oo sida muuqata ilaa iyo hada aan dhinacooda wax warcad ah laga hayn? (inta aan ka aheyn warqadan Yamaniyiintu ka hadleen)

Sow ma wacnaateen in dadkoodu ay ogyihiin waxa ay ku doodayaan?

Maxaase daliilo ah oo ay u cuskadeen sheegashada Suqadara?

Su'aalahaasi waa kuwa in laga jawaabo ay mudneyd ka hor inta qolooyinka buunbuuninaya qadiyadan Suqadara ku dhexdhicin, balse sida muuqata waa mid aan looga runsheegeyn waxajira oo dhabta ah.

Dowlad sheeganeysa dhul ka maqan, hadana AASHUUN KU ADIMEYSA taariikhda aduunka laguma hayo.

Waana halkuu abwaan Hadraawi ka lahaa

   “INAAD SAAMO JIIDIYO
    SHANQAR TIRASHO KALADAA”

Xaq umalaha DFKG ah ee Soomaaliya in sidii tuugadii u dhaqanto, amase wax ayan kalsoonideedii laheyn la timaado, tani waxa ay dhabarjab ku noqoneysaa danaha Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, walow ayaba muuqato in cid u diirnaxeysaaba jirin, haba ugu horeeyeen inta maanta masuuliyadeeda sheeganaya.

Shirqoolka Dahsoon ee Suqadara:

Aan xasuustiina dib u ceshee mar walba oo xukuumada Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya xaalad kala guur gasho ama lagasho, u fiirso hadalkaygan, Mar walba oo xukuumada federaalka kumeelgaarka ah la gasho “XAALAD KALA GUUR”,dano maldahan oo lagaleeyahay ayaa jiray, micnaha aan u jeedo waxa weeye in dad aragti dahsoon wata marwalba abuuraan jawi cakiran si inta CAR IYO WIR lagu jiro u fushadaan hawlahooda.

Waxaa jiri jiray dhaqan caan ka noqday dalka Ethiopia xiligii Mingistu Haila Mariam ka talin jiray, ciidamadiisii koofiyad casta oo ahaa kuwa argagax iyo waali laga qaadi jiray marka ay soo muuqdaan ayaa kolka shirqoolada fulinayaan qorshahoodu waxa uu ahaan jiray in ay mudo bakhtiiyaan korantada magaalada oo aheyd mid 24-ta saacadoodba shidnaanjirtay, ilaa xiligii danbe dadkii barteen in habeenwalba oo korantada la bakhtiiyo ilaahoowba ilbiriqsiba ha ahaatee dad ifka la dhaafsiinayo, markii danbana sasba ay ka qaadeen koronto la dansho, AYAGOO AAMINAY KORONTO LA DANSHO IN AY SHIRQOOL TAHAY.

Hadaba Soomaali maxay la aamini weyday in mar walba oo dalka la gasho khaakhuul siyaasadeed in ay jiraan qorshayaal dahsoon oo in la fushado la rabo?

Xurguftankii sababay iscasilaadii Madaxweyne C/laahi Yusuf ayaa yimid kadib isjiidjiid u dhaxeeyay asaga, R/wasaare Nuur Cade iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka Sh:Aadan Madoobe, su'aashu waxaa weeye maxaa laga dhaxlay xiliftankaas lagashay DFKG ah xiligaas?

Hadii aadan ogeyn fadqalalahaas siyaasadeed ee lagashay wadanka waxa uu horseeday IN 31 DISEMBER 2008, loo saxiixay wadamada reer Yurub heshiis loogu ogalaanayo in biyaha Soomaaliya soo galaan, taasoo sababtay maanta Maraakiibta ceegaaga biyaha Soomaaliya wax ay qabanayaana aan la aqoon.

C/laahi Yusuf waxa uu iscasilay 29 Disember 2008, labo maalmood kadib ayaa lasaxiixay, ayada oo uusan marin wado sharciyeedna waa la dhaqangashay heshiiskaas xaaraanta ah, marka loo eego nidaamka wadanka u yaal.

Halkaan ka akhri heshiiskaas:

http://eur-lex.europa.eu/LexUriServ/LexUriServ.do?uri=OJ:L:2009:010:0029:0034:EN:PDF

Ka waran qorshayaasha kale ee aanan ogeyn lagana lahaan karo iska horkeenka hay'adaha Dowlada?

Dowlada Eretereya ayaa 1995-kii markii xornimada ay qaadatay kagadaal waxaa lagu hawlgashay in ay bilowdo sheegashada Jasiiradaha Xaniishta Weyn iyo Xaniishta yar ee ku yaal Badda Cas, waxa ay xoog ku qabsatay Jasiiradahaas, tabarta Dowlad curatay markaas kudhawaad nus qarnina xornimo u dagaalameysay, markii maalmo ay jidhay waxa duulaan ayan TABAR U HEYN GASHAY ma isweydiisay?

1973, ayay aheyd markii Ururka Jaamacada Carabtu ku eedeeyeen Dowlada Ethiopia oo xiligaas uu madax u ahaa Xayle Salase in ay Jasiiradaha xiga dhinaca Eretereya oo markaas Ethiopianku maamulayeen in ay Isra'el u gacangasheen si ay ugu lugyeelato Badda Cas, ayadoo uga faa'ideysaneysa dagaalkii xiligaas jiray.

Sidoo kale qabsashadii Jasiiradaha Xanishta, ayaa Dowlada Yamani tilmaantay in ciidanka Eretereyanka ee dagaalkaa kaqaybqaadanayay uu hawlgalinayay sarkaal sare oo Yahuuda ah, laguna magacaabo  Lieutenant-Colonel Michael Duma.

Hawlgalkii micnodarada ahaa ee wadanka dhan lagu dagaal gashay 1998-kii ayaa “Parmanent Court of Arbitration" u xukuntay Jasiiradihii Xaniish, wadanka Yemen, kooxihii danaha guracan watayna halkaas ayaa hamigoodii ku baaba'ay.


Su'aasheydu waxa ay noqoneysaa Goormaa DFKG ah dacwada Suqadara gudbisay?

Taariikhdan hoose indhaha ku hay:

Cumar C/rashiid waxa uu is casilay 21 September 2010.
 
Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa lamagacaabay 14 Oktoobar 2010.
Jariidada Yamanpost, waxa ay qoraalka daabacday 24 Oktoobar 2010.

Waxa cad in R/W Farmaajo ka horeysay sheekadaan, Cumar C/rashiidna lama heyn xogtaan xiligiisii, yaa hadaba u bud-dhige ah sheekadaan, YAA KALEETO, asxaabtii wax isdaba marin jirtay.
Miyeyse kuu muuqan in xiligii kalaguurka Cumar C/Rashiid iyo Shiikh Shariif qorshahanna la farsameystay, u badi midaas.

Mu'aamaradihii la fuliyay xiligii xiliftanka u dhexeeyay Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Shiikh Shariif kuma ekeyn oo kaliya Qorshaha Dahsoon ee Suqadara, balse waxaa la fushaday heshiisyadan hoose.

1: Heshiiskii Sarecen lala galay.
2: Heshiiskii Barta .SO, isla xiligaas Shirkad Japan ah laga gaday.

Labadan heshiisba waxa ay ahaayeen kuwii soo shaacbaxay xiligii R/W  Farmaajo la wareegay xaafiiska, anagoo xasuusan sidii la iskugu tuurtuuray markii la isweydiiyay cidii ku lug laheyd heshiisyadan qarsoodiga ah ee sandareerada loogu xishay.

Dib ugu laabo ama isweydii Fadeexadii Qalfoof badeedka Soomaaliya la rabay in Kenya loogu gacangasho, waxa ay u qaadatay mudada aadka u dheer in DFKG ah laga dhaadhiciyo in ay u istaagto difaaca biyo badeedkeeda?.

Baaqyadii Barta Internetka Somalitalk.com ku wacyigalineysay DFKG ah madaxdeeda in ay isu taagaan ama ka digtoonaadaan Khiyaanada Kenya, Ururo shisheeye ama wadamo kaleba ku rabeen in ay ku dhaxalwareejistaan Qalfoof badeedka Soomaaliya, ma ayan aheyn kuwo kiciyay dareenka intii huwaneyd xilka madaxnimada Soomaaliya, anagoo og dafiraad dheer ka dib in wax walba sidii Warsidaha Somalitalk u sheegayeen usoo shaacbaxeen.

Maansadii Deeleyda dhamaadkii todobaatameeyadii iyo bilowgii sideetameeyadii abwaano badan oo Soomaaliyeed ka qayb qaateen, ayaan waxaan ka xasuustaa maanso uu ku lahaa abwaan Cabdulaahi Singub,magaceeduna ahaa “Ha Gabado Danbiilihu” tudco ka mid ah maansaduna waxa ay oraneysay

 

“CAKU DOWLADEYDAAY
DANTEEDABA MAGARATOOY
MAXAA DOONYAHAAGABA
DANEYSTUHU U RAACAA ?”  C/lahi Singub

 

Ilaa iyo maantadan ayaa wali la isweydiinayaa waxa Dowladnimadii Soomaaliyeed u gacan gashay DANEYSTAYAASHA qaranimadu uga weyntahay soor quureed damiirkooda iyo dadnimadoodaba waxa u dhimaya, kaaga sii darane aanba gabaneyn.

Tani waxa ay nabareysaa in Dowladii difaac iskadaaye in ay dhaxalwareejiso rabtay qalfoofbadeedkii loo aqoonsanaa ayan diyaar u aheyn dabagal dhul ayan raadraac u heyn.

Caad makaa saaran yahay hadaba waxa qorshahani yahay?

Ilama ahan, waana mid shisheeye ku lug leeyahay, danahuna waa kuwo cad, xiliga la fushadeyna waa xiligii kala guurka, balse Warjiraa Cakaaruu Iman.

 

Midna yeynaan ilaawin xiligii KALAGUURKA HADAA lagu jiraa, R/Wasaare Farmaajo, Madaxweyne Sh:Shariif iyo Gudoomiye Shariif Xassan, Car iyo Wirtooda fiirogaar ah aan uwada yeelano, koleey dhawaaqyo naxdinta leh waa iman doonaane.

Waqtigii Gumeystihii Biritishku xukumi jiray waqooyiga Soomaaliya, ayaa nin Oday ah oo danyar ah meel dukaan yar ku heystay, lagu wargashay in maalmaha “Holyday”-ga uu xiro Dukaanka, dabadeedna maalin walba oo “Holyday” ah oo uu xiro Dukaanka waa la jabsadaa, wixii yaraa oo u yiilayna horaa loo qaataa, maalintii danbe ayuu tiriyay gabay dheer oo dhibaatada “Holyday”-gu u geysato asaga ku muujinayay, tix ka mid ah gabeyga ayaa oreneysay

“AYAAMAHA LA HOLIDHEYSADO,

YAAN ANIGU HOOGMAAYE”

Tii abwaankaas ayay maanta mareysaa oo ayaamaha kalaguurka yay Soomaali gacangashay.

Waxaan u laabanayaa Suqadara iyo hadii dhawaaqyada baxaya ay ku saleysan yihii caqli wadaninimo ama qorshuhu aheyn sas laga qaaday khiyanadii Kenya, lana isleeyahay Yemen xaalka uga dhig.

“Masku inta uu kugu candhuufin, Baa lagu Candhuufaa”

Taa laftigeedu makuu muuqdaa dadkii aragtida noocaas ah xambaarsanaan lahaa?

Ilama ahan.

Lasoco Qaybta Danbe
Muxyadiin Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk

 

webmaster@ceegaag.com