shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

JASIIRADA SUQADARA: KU QABSO KU QADI MEYSIDE

 

(London,  June 02,  2011 Ceegaag Online)

Hadba dunida yaab kale, Ha udiir xadhaadhine
Afka duub kolkaan idhi, Damiirkayga garashiyo
Jidh dubaaxintaydaa, Dayn wayday hadalkee
Dagaalada kasoo hadhe, Ha akhriyo diwaankee
Caawana balaan dago, Digo rogashadaydii
(C/lahi Singub)

Dagaalada kasoo Hare, Ha akhriyo Diiwaanka””

Tixaha kor ku xusan waxa ay ka mid ahaayeen maansadii DARIN IYO GO' WADATO” ee sagaashameeyadii uu curiyay Abwaan Singub, micnaha muga weyn ee ay ku qotonto ama Abwaanku na dareensiinayo, waa waxaan ararta uga dhigay Maqaalkan (Jasiirada Suqadara:Ku Qabso Ku Qadi Meyside).

Waa run oo dunida aan maanta joogno si walba oo aad xumaha indhaha uga qarso isleedahay waxa dhaceysa xili damiirka iyo garaadku kuu diidayo in aad runta ka weecweecatid, waana halka abwaanku ka leeyahay

“Damiirkayga garashiyo

Jidh dubaaxintaydaa,

Dayn wayday hadalka”



Halka qaybta danbe ee tixduna faham gundheer xambaarsan tahay, taasoo in badan oo naga mid ahi (Soomaali) ay ka marin habaabsan yihiin, ayna ilowsan yihiin in ficilka iyo foolxumada ay ka galayaan Calan, Ciid iyo dadkii Soomaaliyeedba, ay tahay wax diiwaanada taariikhda berri laga dheehan doono, intii Soomaali ilaah ka reebana ay isweydiindoonaan sababaha dadkan xumaanta u horseeday, tuducduna waxa ay oran

““Dagaalada kasoo Hare, Ha akhriyo Diiwaanka””

Barnaamij kabaxa BBC-1, lana yiraahdo “Who do you think you are” ayaa habeen lagu soo qaatay isirka iyo faraca ay ka soo jeedo gabar ka mid ah jilayaasha ugu caansan UK, halka markii la marayay awoowgeedii afraad uu soo baxay “TUUG XAABA QAATE ah” oo xabsiyada Holland hoygiisa ahaayeen, ilaa markii danbe maxkamadi go'aan ku gaadhay in la tarxiilo, wadankana gadaal ugu soo laaban karin, tarxiilkaas ayaa UK lagu keenay.
 

Gabadhii intaas markii ay maqashay ayaa ilinteedii la celin waayay, maxaa ku sababay awoowgey waxaas?

Qoftii xurmada iyo sharafta loo hayay habeenkaas dhaawaca uu awoowgeedaas xaabaqaatka ahaa u geystay lama xisaabin karin.

Hadaba Soomaali waa degeysaa diiwaanadana waa lafuran goor ay noqotabe, ma waxay idinla tahay qoraaladan dulmiga iyo meel ku dhaca ku xardhan iyo maqaalada been abuurka iyo danaha guracan loogu fargudayo in aan la isweydiin doonin?

Waan hubaal isweydiin iska daaye in faracyo dhan oo inta maanta aan miyirka laheyn ku abtirsan doona dhalaankoodu murugo ku danbeyn doonaan, sida gabadhan Jilaaga ah ee taariikhdu nabareyso hada.

Xuduuda Soomaaliya:

Gabadh timo tidcan
Ido gorod madow”
Waa waxa dhulkeena
U gaarka ah
Laynagu garto”.

Waxaa la igu soo barbaarshay sheeko oreynaysay, shir Qaramada Midoobay ayaa wasiir Soomaaliyeed laweydiiyay, “ dhulka aad ku doodeysaan inta uu le'eg yahay noo sheega”

Jawaabtii wasiirka ayaa noqotay meel walba oo gabadh timo tidcan iyo ido gorod madow joogaanba anagaa iska leh.

Waxa dhacday in Heesta tuducaha aan kor ku xusayna isla masaladan tilmaameyso.

Hadii ay sidaas tahay wali ma la isweydiiyay xuduuda Soomaaliya halka ay gaari laheyd?

Sagaashameeyadii dadkii Ethiopia soo galay ayaan ka mid ahaa, waxaana ogaaday Dumarka Tigreega oo ah Qowmiyada dhinaca Waqooyi ugu xigta Ethiopia, in timo tidic hadii Aabe iyo Hooyo lahaan lahaayeen ay ayagu u noqon lahaayeen, waayo dumarkaas xiliwalba nooc ay tahayba timuhu waa u tidcan yihiin, waana dhaqan facweyn.

Usoo laabo masaladayada oreyneysay “Gabadh timo tidcan
Ido gorod madow” hadii aan sidey tahay u qaadano xudeeda Soomaaliyeed waxa ay dhabarka ku hayn laheyd Sudaan iyo Eretereya, maxaa wacay gabdhahaa tigreega ee timaha tidcan ayaa xuduudaas na geyn lahaa.

Filim hab-dhaqanka madowga UK ama caalamkaba looga sheekeynayay oo uu Jilaa madowga UK, uu matalayay ayaa waxaa lagu muujinayay waxyaabaha khayaaliga ah ee fadhi kudirirka ay la fadhiyaan dadka madow, halka dunida inteeda kalena halgan ay aduunka uga jibigaadhayaan u suxulduubteen.

Jilaaga ayaa goob lagu caweeyo soo galayay (Pub) ayadoo miisaska raxan raxan loo gabran yahay, raxan walbana sheekadeeda dhawaaqeeda ku meelmari islaheyd, MIISKA kOOWAAD, Nabi Ciise Nin Madoow buu ahaa, oo cadaanka ayaa been ka sheegay, ayagoo nin cad sawiradiisa faafiya, MIISKA LABAAD, Saacada ninkii ugu horeeya ee sameeya nin madoow buu ahaa, nin cad ayaa naqshadii ka xaday oo isku magacaabay in uu asagu alifay, MIISKA SADEXAAD, Aduunka oo dhan ninkii daahfuray nin madow buu ahaa, nimankan la sheego ee Vasco Da Gama iyo Christopher Columbus waa been abuur, aduun nin madowbi hore u sahmiyay ayaa magacyo loo bixinayaa, MIISKA AFRAAD, Boqoradii Afrika Yurub iyo Mareykankaba ayagaa u talin jiray, adoonsigii Afrika gashay aarsi buu ahaa, MIISASKII KALE OO DHAN Kutiri kuteentaas ayaa indhaha faraha la iskaga galinayay, Marka JILAAGII Madoobaa inta dhagaha calaacalihiisa ku daday si uusan u maqlin ereyada runta ka dheer, uu DHAWAAQ aad u dheer ku yir “ WAAR BAS, KA DHAHA BEEN ABUURKA, KHAYAALIGANA KA HARA OO RUNTA WAJAHA, maanta maxaad heysaan, caqligaad shalay ku faaneysaan, maanta la imaada”.

Tani miyeysan aheyn waxa Soomaali la fadhido ama isku maaweeliso xaga iyo xagaas anagaa leh, meel buura leh iyo meel biyo leh anagaa leh, iskadaa wax kalee Buqcadii yareyd ee loo aqoonsanaa maanta meel ay ku sheegaan malaha.

Badaha la sheegay in la gatay, beriga sunta laga buuxshay, bandiiradii la diirtay, quwadaha cagta marshay hanitoodii Badda, INTAAS OO DHAN INDHAHA AAN QABAN OO WAXAAN RAAD LAHEYN DABA JOOGA, bal adba wax DHEH.

SUQADARA:TIMIRTII HOREBA DAB LOO WAA

Lasoco Qaybta Danbe
Muxyadiin Ciid
alcarab1@yahoo.co.uk

 

webmaster@ceegaag.com