shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jasiirada Suqadara: sidii walaalaha wax isu siiya, sidii cadowgana u xisaabtama.

 

(U.A.E,  June 27,  2011 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray jidkiisii oo ku hadaysmay hanuunkiisa ilaa iyo maalinta qiyaamaha,Intaas ka dib:

Waxan dhowaan ka aqriyay qaar boggaga internetka, qoraal aad u xiisa badnaa oo uu cinwaankiisu ahaa: “Suqadara ku qabso ku qadi maysid ee!!!!”, runtii qoraalkaasu aad buu u xiisa badnaa, wax badan oo xaqiiqooyin ahna waa inagu baraarujinaayay qoraagu khayr Allaah ha siiyee, wax badan oo qoraalkaa ku soo aroorayna aad baan ugu raacsanahay qoraaga, hase yeeshee, laba arimood oo qoraalkiisa ku yimi aad

Baan ugu khilaafsanahay walaalkay, waana tan igu kaliftay in aan qoraalkan soo diyaariyo, tan hore waa arin uu doodiisa ku dhisaayay oo inagu tusaalaynaayay, isaga oo leh: war yaynaan sidaan khaladkaa hore u galay, u gelin khaladkan dambe, oo aynaan weliba ka gelin markan dowlad muslim ah oo carbeed, oo aynu walaalo nahay, oo ay inaga dhexayso dhiig, dhalasho iyo taariikh dheer oo xidhiidh soo jireen ahi,

Dad badan oo inaga mid ah iyo weliba qaxooti kumanaan gaadhayaana, ay ku sugan yihiin dalkaas, dad badan oo iyaga ahina ay ku nool yihiin dalkeena, arintan khaladka ah ee hore u dhacday ee uu tilmaamayo qoraaguna waa dagaalkii 1977kii, ee aynu ku doonaynay in aan ku xorayno Soomaali galbeed!!! Arinta labaadna ee aan ku khilaafsanahayna waa arinta asaaska u ahayd qoraalkiisa, oo aan runtii aad uga

Xumaaday cinwaanka uu siiyay, waayo wuxuu inaga dhigay ummad xaqq daro u badheedhay, iyada oo aniga arintu sidaa aad iigala duwantahay, waana arinta jasiirada Suqadara oo ay DKFMS ku sheegtay xogtii badeena ee ay u gudbisay Qaramada midoobay, hadaba sadaradan soo socda waxaan ku cabirayaa aragtida aan ka qabo labadaa arimood ee ku yimi qoraalkii walaalkeen, ee aan soo xusnay.

Dagaalkii 1977 ma khalad taariikhi ah, oo aan galay buu ahaa?!!

Iyada oo sida aynu ka war hayno ay gumaystayaashii reer galbeedku inaga galeen jariimad wayn oo fool xun, markii ay inaga oo ah qoomiyad keli ah oo isku isir, af, midab iyo diinba ah, ay inoo kala qaybiyeen shan meelood, ka dib markii aan ku guulaysanay in laba qaybood xoriyadii ka qaataan gumaystihii, midoobeena, waxaynu balan ku qaadnay in aynaan halganka damin ilaa aan ka xoraynayno, saddexda

Qaybood ee inaga maqan, awoowayaasheen waxay astaan taas muujinaysa inoogu samayeen calank, waxayna inoogu qoreen distoorka oo ay ku cadayeen xoraynta qaybaha ka maqan dhulka hooyo, isku boorinta soo celinta dhulka maqan waxay ahayd arin joogta ah, jiilba jiilka ka dambeeya buu ugu dardaarmi jiray, ubadka yar yar baa lagu barbaarin jiray himiladaa sharciga ah, dowladihii kacaanka ka

Horeeyay waqtigoodii in kasta oo ay habacsanaan badani jirtay, hadana way isku dayeen in ay himiladaa sharciga ku dhaqaaqaan, hase yeeshee wax la taaban karo kamay gaadhin, waxanaba luntay waqtigoodii qadiyadii NFD, hadaba markii dowladii kacaanku taladii dalka la wareegtay, ayay qadiyadii dhulka maqan dib boodhka uga jafeen, oo ay dardar hor leh iyo firfircooni geliyeen himiladii ummada, waxayna

Ku guulaysteen in ay jabuuti xornima qaadato, ka dibna markii si fiican dhinac walba looga diyaar garoobay, ayay dowladii kacaanku ku talaabsatay oo u tafaxaydatay, in ay fuliyaan himila kale oo ka mid ah himilooyinkii ummada, waana xoraynta Soomaali galbeed, sidaas ayuuna ku bilaabmay dagaalkii 77  ee ina dhex maray inaga iyo cadawga Xabashida, sidaan soo xusay dagaalkaasu ma uu ahayn mid layska

Galay ee wuxuu ahaa mid si fiican dhinac kasta loogaga diyaar garoobay, lana fuliyay waqtigii ugu haboonaa, waxaynuna ka gaadhnay guul aad u balaadhan, iyada oo aynu ku xoraynay dhamaan dhulkii Soomaali galbeed ee maqnaa, hase yeeshee guushaa ka dib waxa dhacay arimo aan qorshaha inoogu jirin oo aan marna xisaabta lagu darsan! Dowladii Ruushka oo xidhiidh aad u wanaagsani inaga dhexeeyay,

Ayaa mar qudha dhabarka idiin soo jeedinaysa, oo taageero xoogan oo dhinac kasta leh Xabashida isla barbar taagi, bal gaashaan buurtii waarso oo guuraysa baa dagaal fool ka fool ah idinku soo qaadaysa, ama gaashaan buurtii waarso iyo gaashaan buurtii naato, oo ay colaad aad u darani ka dhexaysay, baa ku heshiinaaya in ciidamada Soomaalida xoog lagaga saaro dhulka Soomaali galbeed, waana heshiiskii ugu

Horeeyay ee ay isla gaadhaan labada gaashaan buurood mudo sodon sanadood ah, ma ahayn wax qorshaha iyo xisaabta toona lagu darsaday!!! Waayo ragii waqtigaa kacaanka hogaaminaayay uma lahayn aqoon in gaalnimadu ay milad keli ah ay tahay!!! Hadaba taageerada uu shisheeyuhu siiyay oo isla barbar taagay Xabashida, in kasta oo dhulkii aynu qabsanay laynaga soo saaray, hadana ma ay ahayn mid lagama

Soo waaqsadaan ah, bal isla markiiba qorsha kale ayaa loo dejiyay, halgankeeniina sidaas iskuma taagin ee halkiisii buu ka sii socday, hase yeeshee waxay ahayd tan ugu darayd ee xidida inoo siibtay burburka aynu maanta ku jirona inoo horseeday, oo hadaanay dhici lahayn, kuwaas hore oo dhan laga soo kaban lahaa, waa in aan cidina ku tala gelin oo xisaabta ku darsan, in xorayntii Jabuuti, ee aynu naf iyo maalba u

Huray, ay inoo horseeday musiibo aad u wayn, oo dhabarka inaga jebisay, xididana inoo siibtay, run ahaantii burburka ina gaadhay ee aynu ilaa maanta maaraha u la’nahay, waa tan aynu ka dheefnay xorayntii Jabuuti!!! Waayo markay Jabuuti xornimada qaadatay oo goonida isu taagtay, waxay ku abuurtay qabiilooyinkii kale qaar, dareen ah, in qabiilka Ciise yeeshay dowlad u gaar ah, marka maxaa

Anana noo diiday in aan yeelano dowlad noo gaar ah, sidaa Ciisaha, taasu waxay keentay in in badan oo dadkii Soomaali galbeed ahi ka soo horjeesteen halgankii, iyaga oo diidan in ay Soomaaliya ka mid noqdaan, waxaanayba u arkeen ciidamadii Soomaalida in ay yihiin kuwa doonaaya in ay gumaystaan!!! Waxa xusid mudan in ciidamadii qaranka Soomaaliyeed boqolkii konton iyo ka badaniba ka soo jeedeen

Soomaali galbeed! Waana tan keentay in qabiil ka mid ah qabiilooyinka dega gobolada woqooyi, uu samaysto jabhada la yidhaahdo SNM oo la dagaalantay ciidamadii qaranka iyo qabiilooyinkii kaleba, ee ay wada degaan gobolada woqooyi ee jamhuuriyada, iyaga oo ku andacoonaaya in ay gooni isaga taagyaan Soomaalida inteeda kale, waxayna u galeen cadawgii Xabashida, oo halkaa ka soo hagay

Wadankoodii, qabiilooyinkii kale ee jamhuuriyada Soomaaliyana, qolo waliba waxay ku dooday in ay iyagu mudan yihiin in ay xukumaan Soomaaliya, dhamaan waxa loo wada dareeray xagaa iyo cadawgii Xabashida, si ay ugu soo taageeraan fikirkood guracan, dhamaana dalkoodii bay dhabarka ka soo wada wareemeen, ilaa aynu gaadhnay xaalada aan maanta ku suganahay, waxaas oo dhami maxay ku dhaceen,

Waa hinaase Ciise ayaa dowlad yeeshay!!! Waxaanay se Soomaalidu is waydiin horta Jabuuti si dhab ah ma u xorowday?!! Runtiina waa maya, oo jabuuti markii uu gumaystuhu arkay in xoriyada Jabuuti ay tahay waxaan laga fursan doonin, wuxuu ku wareejiyay ragii isaga weligoodba daba dhilfka u ahaa, ee uu ka hor gayn jiray halgamayaasha wadaniyiinta ah, si xoriyadu u noqoto mid uun magac u yaal ah, laakiin

Uu maamulkiisii uga sii jiro si aan toos ahayn, waxana maamulka laga fogeeyay dadkii wadaniyiinta ahaa ee xoriyada u soo halgamay, sidaas darteed xukuumadii Xasan Guuleed ee waqtigaasu, waxay si aan toos ahayn uga qayb qaadatay burburinta qaranimadii Soomaaliya, iyadoo dhiiri gelin jirtay, oo shacabka ku kicin jirtay dowladii Soomaaliyeed, taas oo keentay in Soomaalidii sidii tusbax dabada laga furay ugu

Hayaamaan cadawgii Xabashida, halkaana dhamaan looga soo dhiibay shirqoolkii wadankeena iyo qaranimadeenii lagu dumiyay, marka aan mowduuca ku soo noqdee, ceebtu ma ay ahayn in aynu galo dagaalkii 77, ee bal taasu waxay ahayd fulin la oofiyay himiladeenii iyo rabitaankii sharciga ahaa ee dhamaan shacabkeena, mana ahayn awoodii ciidan ee Ruushka iyo xulufadiisu inagaga saareen Soomaali

Galbeed tan dhabarka inaga jebisay, waayo isla markiiba waxaynu ka bilaabnay dhulkii Soomaali galbeed qorsha kale oo jabhadayn ah, waxaana shaki ku jirin in hadii ummada Soomaaliyeed maalinta qorshahaa kula shaqayn lahayd dowladii kacaanka, oo ay dhabar adaygi lahaayeen, oo aanay u kala dheerayn lahayn hoos ka gelista cadawgooda, maanta in ay ku naaloon lahaayeen Soomaali galbeed xoriyad buuxda, siday

Ereterea maanta ugu naaloonayso xoriyad, cis iyo karaamo, waayo waxay ka faa’iidaysteen qorshihii la midka ahaa, ee dowladii Soomaaliyeed ku taageeraysay halgankii Ereterea. Hadaba maanta maxay Soomaalidu ka dheefeen hinaasahoodii caqli xumada iyo xasadka ku salaysnaa?!!! Waxay ka dheefeen cadawgu hortiinana waa joogaa, gadaalkiinana waa joogaa iyo burbur taariikhi ah!!! Soomaali galbeed

Waxay isku dayeen in ay dhulkoodii xoraystaan, markii dowladii Soomaaliyeed burburtay iyagooba is leh belaa Allaah idinka kor qaaday, ka dib halgan dheer, iyadoo cadowgii Xabashidu hor iyo gadaalba ka xigo, oo aanay lahayn meel ay ku hirtaan ama ku tiirsan yihiin, ka dib halgan dheer oo sababay xasuuq, barakac, burbur iyo darxumo oo dhan, oo ay wax kasta ku waayeen, Hargaysa haday u eertaan Xabashi

Baa kaga horaysa, oo iyaga oo katiinadaysan baa loo soo dhiibayaa Xabashida, haday Garowe ama Bosaaso ku eertaan waa sidoo kale, haday koonfur ku eertaan waa si la mid ah, ugu dambayntii waa kuwaa badankood dib isugu wada dhiibay cadawgoodii shuruud la’aan!!! Dhinaca woqooyi galbeed, waa kuwii dalkoodii hooyo iyo dowladoodiiba dhabarka ka wareemay, waa kuwaa labatanka sanadood isku

Maaweelinayaa hadalada aan garta ahayn, garowshiinaya aanay ku helayn, dowlad baan nahay, qaran baan nahay, ictiraaf baa soo dhow, ictiraafkii la waa, Taywaan oo kale ayaan noqonaynaa!! Cadawguna uu siduu doono wuxuu doonaayo uga fushanaayo dhinac kasta, qorshaha waqtiga dheer ee uu la maagan yahayna war kama hayaan, cadawga keli ah ee ay iska eegayaana waa Soomaali!!! Koonfur waadigaa u

Jeeda dulinimada iyo darxumada ay ku sugan yihiin, ee aanayba weli dareensanayn, bal wixii gaadhsiiyay dulinimaadaas bay weli ku socdaan, waa kaa cadawgu maalinba koox iyaga ka mid ah farta ugu fiiqaayo, oo uga dhigaayo cadawgooda, aanayna marna garan karayn war waxa laysku dhamaynayaa waa idinka, yaa dalkan u hadhaaya!!! Dhab ahaantii waxaynu galay khalad caqli xuma ah kii ugu waynaa

Ee ay ummadi abid gasho, waa khalad taariikhi ah, Jabuutina ma taagnaan doonto, burburkeeduna waa mid uun saacado keli ah qaadanaaya, hase yeeshee weli waxa lagaga mashquulsan yahay, oo weliba loogu baahan yahay taageeradooda, inta raqda wayn lagu kala tegaayo waa Soomaaliya ee. Run ahaantii waxaynu ku sifaysan nahay hadalka uu had iyo jeer yidhaahdo Prof. Axmed Siciid Samatar, waana hadalka ah: “Somaaliyi waa ummad saaqiday!!”, waa run waxaynu nahay ummad saaqiday aduunka iyo aakhiroba, waa erayga ugu yar ee lagu sifayn karo xumaanteena.

 

Jasiirada Suqadara: sida walaalaha wax isu siiya, sida cadawgana u xisaabtama.

Jasiirada Suqadara waxay ku taalaa goob aad u staratiiji ah, waxaana ay kulmisaa saddex badood, oo kala ah bada carabta, bada cas iyo bad waynta hindiya, waxay u jirtaa xeebaha Soomaaliya 240km, sidoo kale waxay u jirtaa xeebaha Yaman 480km, waxay ka kooban tahay Suqadara jasiirad wayn iyo dhowr jasiiradood oo yar yar, jasiirada wayni waxay dhan tahay 3650km oo isku wareeg ah, shacabka ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa 100, 000 oo qof, Suqadara waxaa maamusha dowlad Yaman, hase yeeshee Suqadara

Juqraafi ahaan waxay raacsan tahay Soomaaliya, waxaana jira taariikho sheegaaya in gumaystayaashii ka hor ay ka talin jireen boqoro Soomaaliyeed, dadka tirade yar ee ku nool jasiiradaa maaha kuwa asalkoodu ka soo jeedo Yaman, in kasta oo afka lagaga hadlaa jasiirada uu afka carabiga yahay, bal waa qoomiyado kala gedisan oo halka isugu yimi, oo isku dhal dhalay, oo ay xataa Soomaaliyi ku jiraan, jasiiradan waxaa

Gumaysan jiray Ingriiskii, wuxuuna ku wareejiyay Yaman tii koonfureed markay xornimada ka qaadatay sanadkii 1967kii, iyada oo ahayd inuu inaga inagu wareejiyo, waayo jasiiradu sidaan soo xusnay juqraafi ahaan iyo taariikh ahaanba Soomaaliya ayay raacsan tahay, hase yeeshee Ingriisku siduu dhulkeenii kaleba ugu wareejiyay Kenya iyo Itoobiya ayuu tana ugu wareejiyay dowladii cusbayd ee Yaman,

Arintanu waa mid muujinaysa colaada uu Ingriisku u qabay ummada Soomaaliyeed, dhinac walba dab ayuu inagaga shiday, aan weligiis damayn, taariikhdaasu waa markii ugu horaysay oo ay Yamani jasiiradaa xukumto, waqtigaa wixii ka horeeyay, ma jiro wax muujinaaya in Yamani xukumtay jasiiradaas

Hadaba dalka Yaman oo ay walaaltinimo islaam, carbeed, dhalasho, dhiig iyo xidhiidh wanaagsan oo soo jireen ahi inaga dhexeeyo, waxa dalkeena ku nool dad badan oo asal ahaan dalkaas ka soo jeeda, dhamaantood waxaan waqti dheer u aqoonsanay in ay yihiin muwaadiniin Soomaali ah, xaqqa aan wadankeena ku leenahay, mid la mid ah bay iyaguna ku leeyihiin, wax walba waynu ka siman nahay,

Hase yeeshee dhinaca ka soo horjeeda dalka Yaman waxaa ku nool dad asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda, oo qaarkood ilaa afar shan jiil halkaa isku dhalay, dadkaasu ilaa iyo waqtigaa sidaas u dheer waxay wadankaas ka yihiin shisheeye, aan wax xuquuqa ah ku lahayn dalkaas!! Ka dib burburkii inagu dhacay iyo dagaalada sokeeye ee wadankeena ka jiray awgiis, waxaa wadankaas u qaxay qaxooti badan oo

Soomali ah, siday wadama badan oo aduunka ka mid ahba ugu qaxeen, qaxootigaasu waxay kala kulmeen Yaman dhibo aad u waawayn, kumanaan ayaa bada lagu daadiyay oo ku haligmay, oo ay dowlada Yaman masuul ka tahay, waayo iyada oo ay ka war hayaan in dadkanu dhib ka soo cararayaan, ayay ku adkaysay soo gelitaankooda dalkaas, taas oo keentay in budh cadii doonyaha lahayd bada ku daadiyaan, intii

Nasiibka u yeelatay in ay galaan dalkaasna in kasta oo uu yahay dalka keli ah ee carbeed, ee qaxooti Soomaaliyeed ku haya wadankiisa, hadana kuma haystaan daryeel wanaagsan iyo ixtiraam toona, iyada oo weliba ay aduunka kaga hesho Yamani dhaqaale aan la yaraysan Karin, mudadaa aynu burburka ku jiray Yamani inooma gaysan wax gacan qabasha ah iyo taageero toona, dhinac kasta ha ahaatee.

Hadaba xikmad carbeed baa tidhaahda: “sida walaalaha wax isu siiya, sida cadawgana u xisaabtama”, hadalkan waxa looga jeedaa in walaaluhu isu samafalaan oo is taageeraan, hase yeeshee, taas macnaheedu maaha in aydaan waxba kala lahaan, oo aad wax walba wadaagtaan, bal ruux kasta waxa uu goonidiisa u leeyahay waa in ay cadaan yihiin oo muuqdaan. Hadaba ummadaha walaalaha ahi wax badan bay is

Taraan, oo isa siiyaan marka laga reebo dhulka, dhulku kama mid aha waxyaabaha ay ummaduhu isa siiyaan. Hadaba jasiiradaas Suqadara oo ay maanta xukumto dowlada Yaman, Juqraafi ahaan se ka tirsan dhulkeena, waxay muhiim lagama maarmaan ah u tahay amnigeena, dagaalkii 77 markii aynu Ruushka ka caydhinay dalkeena, wuxuu inoo soo fadhiistay Suqadara, oo ay dowladii Yaman ta Koonfureed, ee

Shuuciga ahayd ka siisay qaaciidad, siyaasadu malaha walaalnimo iyo saaxiibtinimo joogta ah, dalka aad maanta saaxiibka tihiin, beritoo cadaw baad noqon kartaan, haday maslaxadihiinu iska hor yimaadaan, Suqadara waxay muhiim u tahay dhaqaaleheena, hadana dowlada Yaman waxay ku goosatay jasiiradaa qayb wayn oo badeena ka mid ah. Ma dhicin in dowladihii kala dambayay ee Soomaaliya ay midina si

Cad u dalbatay Jasiiradaa, laga yaabee in ay kala yeesheen dowlada Yaman wada hadala hoose, waxa se arintan ku dhiiratay oo dalbatay jasiiradan dowladii Cumar Cabdi Rashiid, iyadoo oo taas ku cadaysay xogtii badeena ee ay u gudbisay Qaramada Midoobay, mana ay dhicin arintanu waqtigii khilaafka Cumar Cabdi Rashiid iyo Shiikh Shariif ee kala guurka ahayd, ee bal taas in door ah ayay ka horaysay, waana

Lagu sheegay arintan warbaahinta Soomaalida maalmahaas, waxa se laga yaabaa walaalkeen qoraaga qoraalkaasu in aanu maalmahaas la socon warbaahinta Soomaalida, tan uu yidhi maxay DFKM ashuunka ugu adimaysaa oo ay arintan u qarinaysaa, aniga iima muuqato waxay arintan ka sii wad wado DFKM, waayo aragtidoodii iyo dalabkoodiiba waxay u gudbiyeen Qaramada Midoobay, dowlada Yamana taas

Way ka war hayaan, sidaynu inaba uga war helay qaybta way n ee badeena ah, ee ay dowlada Yaman dalbatay oo u gudbisay Qaramada Midoobay dalabkeena ka hor, waxana qabaa in dalabkeenu yahay mid sax ah oo sharci ah, yimina waqtigii ku haboonaa, waxana  laga yaabaa in sheegshada DFKM ee jasiiradaa, ay sababtay saddex arimood mid uun: A) waxa dhacday in intii aynaan inagu xogta badeena u

Gudbin Qaramada Midoobay, ay dowlada Yaman u gudbisay xogtii badooda, ayna ku sheegatay qayb balaadhan oo badeena ka mid ah lahaansheheeda, iyaga oo aan arintaa ogaysiin dowlada Soomaalida, marka waxa laga yaabaa in taasu kaga cadhaysiisay DFKM, iyagoo taas ka door bidaayay, in ay arintan marka hore labada dhinac ka wada hadlaan, oo ka heshiiyaan, waxna la kala qaato, dabadeedna ay tanu

Tahay fal celin ay DFKM kaga hortegayso, sheegashada Yaman. B) waxa kale oo dhici karta in DFKM arintan iskaga maydhaysay ceebtii iyo fadeexadii ka raacday heshiiskii khiyaamada ahaa, ee ay la galeen dowlada Kenya, oo ay ummada tusayeen in ay soo celinayaan dhul inaga maqnaa. C) tan saddexaadna waxay noqon kartaa dee in damiir iyo caadifad wadaninimo ay markaa iskaga soo degtay oo tustay xaqqa

Ummada ka maqan. Si kastaba ha ahaatee, sheegashadeena Jasiirada Suqadara waa xaqq sharci ah, waa goob aad muhiim inoogu ah oo ku taala xuduudeena, maantana waxaa ina hortaala fursad aad u qaali ah, oo hadii aynaan ka faa’iidaysan laga yaabo in aanay dib inoo soo marin, waa waqti aad ugu haboon in aynu ku dacwoono dib u soo celinta dhulkeena maqan, mar hadii maanta ay Qaramada Midoobay dib u

Eegis ku samaynayaan xuduudaha badaha, walaalkeen wuxuu yidhi: “arinteena shisheeye ayaa dabada ka riixaaya”. Anigu u malayn maayo inay sidaas tahay, bal waxay u dhacaday sidaan soo xusay, haduuba se jiro shisheeye sidaas inagu la taliyay, waxan leeyahay kaasu shisheeyeba maaha, ee waa in aan sokeeye ka dhiganaa, waayo wuxuu inagu baraarujiyay xaqqeenii, tan kale ee qoraagu ku saluugay DFKM, waa in

Aanay wax dukumantiyo ah u haysan sheegashadan Jasiirada, taasna waxaan u malaynayaa khaayinimo hayska jirto ee, in aanay madaxdii DFKM ee waqtigaasu aanay u negayn aqoon, ay taas ku garan waayaan, waxan jecelahay in ay hadalkayga ku qancaan walaalkay qoraaga iyo inta la aragtida ahiba.

Wabillaah atowfiiq

Essa Mohamoud Aadam

almutawaadic@yahoo.com

 

webmaster@ceegaag.com