shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jabuuti oo u dabaal degtay markii ay xornimada qaadatay.

 

(Djibouti,  June 27,  2011 Ceegaag Online)

34-sano ayaa laga joogaa markii Jamhuuriyadda Jabuuti ay xornimadeeda ka heshay gumeystihii Faransiiska, haddaba qeybo badan oo dalkaas kamid ah waxaa ka dhacay munaasabado waa weyn oo loogu dabaal degayey markii xornimada la qaatay.

Magaalada caasimadda ah ee Jabuuti waxaa ka dhacay xaflad ballaadhan oo ay ka soo qeybgaleen madaxweynayaal uu kamid yahay madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Axmed, khudbooyin halkaas laga jeediyey ayaa looga sheekeeyey ahmiyadda ay maalintan u leedahay shacbiweynaha reer Jabuuti, inta sano ee ay xor yihiin iyo waxa u qabsoomay.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shacabkiisa ugu hambalyeeyey maalintan, wuxuu Alle ka baryayey in ay noqdaan kuwa isku tashta oo ka fekiro danta dalkooda iyo diintooda, Madaxweyne Geelle wuxuu madaxda Soomaalida ugu baaqay in ay dhameeyaan kala aragti duwanaanshahooda una xusul duubtaan sidii looga bixi lahaa dhibaatada dalka ragaadisay 20-sano.

Jabuuti ayaa maanta u ah maalin ku weyn oo ay ugu dabaal dageyso 34-guuradii ka soo wareegatay markii ay xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com